kasoo
cusboonaaday. Waxa uu hambalyo iiga dhigay in Beesha ISAAQ
Baarlamaanka Cusub ee Somalia looga qoondeeyay 28 xildhibaan , waxaan ugu
jawaabay in ISAAQ Muqdisho jooga ee cadka quudheed ka qaatay aanay
matalin ISAAQ iyo Somaliland midna ee ay yihiin rag shaqo tagay, Siyaasad iyo
awoodna aanay ku lahayn Somalia, hadii hami siyaasadeed
ku jiro ama inuun wax xeerinayaana aanay qaateen cadh quudheedka
baarlamaanka laga siiyay.
Waxan
u sheegay in shacabka reer Somaliland gaar ahaan Beesha ISAAQ aanay
marnaba rajo ka qabin dawlad somaliyeed iyo midnimo la isku siro,lana
ogyahay jibadii iyo midnimadii hore inay ka faaiideen uun burbur dal iyo
duunyo ah, sidaa darteedna shacabku goostay Madaxbanaani lagama noqdaan ah,
Dawladnimada Somaliland marnaba aanay gali karin gorgortan, waxaa kale oo aan u sheegay in cadaalad daradi ISAAQ lagu sameeyay hadana
loosii laba jibaaray.
Waxaan waydiiyay hadii Somali nimo laga hadlayo sida ay suurto gal u noqonayso in RAXANWEYN, DAAROOD, iyo HAWIYE midkiiba qaatay lixdan xildhibaan oo baarlamaanka ah, halka ISAAQ laga siiyay 28 xildhibaan oo u dhiganta in ka yar boqolkiiba konton 50% marka la barbardhigo beelaha kor ku xusan ama hadii aan u dhigo habka Saami wadaaga beelaha Somalia ee lagu soo dhoodhoobay DJIBOUTI oo la yidhaa 4.5, Sida ay suurto gal u tahay in ISAAQ saami ahaan uga helo Somalia wax ka yar 0.5 Habka saamiga wadaaga beelah halka beelaha kale la siiyay saami buuxa ? wuxu iigu jawaabay, “ISAAQ xaqiisii iyo dheeraadba wuu helay Saamigaa ay ka heleen baarlamaanka cusubna mid ka badan kama heli karaan hadii dawlad Somaliyed la iskugu yimaado, Isagoo sii wata doodiisa ayuu si caadifad leh isagoo qawlalada ka xumbaynaya waxa uu yidhi “ISAAQ gabigiisaba waxaa ka badan Jilib MAJEERTEEN ah” Cajiib.
Waxaan waydiiyay hadii Somali nimo laga hadlayo sida ay suurto gal u noqonayso in RAXANWEYN, DAAROOD, iyo HAWIYE midkiiba qaatay lixdan xildhibaan oo baarlamaanka ah, halka ISAAQ laga siiyay 28 xildhibaan oo u dhiganta in ka yar boqolkiiba konton 50% marka la barbardhigo beelaha kor ku xusan ama hadii aan u dhigo habka Saami wadaaga beelaha Somalia ee lagu soo dhoodhoobay DJIBOUTI oo la yidhaa 4.5, Sida ay suurto gal u tahay in ISAAQ saami ahaan uga helo Somalia wax ka yar 0.5 Habka saamiga wadaaga beelah halka beelaha kale la siiyay saami buuxa ? wuxu iigu jawaabay, “ISAAQ xaqiisii iyo dheeraadba wuu helay Saamigaa ay ka heleen baarlamaanka cusubna mid ka badan kama heli karaan hadii dawlad Somaliyed la iskugu yimaado, Isagoo sii wata doodiisa ayuu si caadifad leh isagoo qawlalada ka xumbaynaya waxa uu yidhi “ISAAQ gabigiisaba waxaa ka badan Jilib MAJEERTEEN ah” Cajiib.
Saaxiibkay waxa uu maciinsaday qardajeex iyo dood aan sal iyo raad toona lahayn,
Male awaal iyo sheeko somali aan xaqiiq ku salaysnayn oo la macno ah uun
odhaahdii Somaliyeed ee Majeerteen iyo inta madaxa madaw ayaa siman.
waxaan soo hordhigay Cadaymo iyo tirakoobyadii laga sameeyay Koonfurta
Soomalia iyo Waqooyiga Somalia wakhtiyadii Gumaysiga kuna beegan 1956, 1957,
1959 oo muujinayaa tirada Beelaha dagan dhulkii la isku odhan jiray
Jamhuriyada Somalia, Tirakoobyadaasi oo qaar run ahaan uga dhaw kuwa uu qoray IM Lewiss ayaa waxa uu u dhigan yahay :
HAWIYE 24%,
ISAAQ 22%,
DAAROOD 21%,
RAXANWEYN 17%,
DIR 10% ,
JAREER 6%
HAWIYE 24%,
ISAAQ 22%,
DAAROOD 21%,
RAXANWEYN 17%,
DIR 10% ,
JAREER 6%
Tirakoobkan
waxa uu qeexayaa Saamiga boqolayda ah ee beelaha Somalia dhexdeeda
dega,tirakobkan maaha mid ka hadlaya dhul waayo waxaa dhacda in shan gobol oo
ka mid ah Gobolada Somalia uu ka dad badnaan karo Hal gobol oo ka mid ah isla
gobolada Somalia, waxaana jira dhul dadku isku cufan yahay iyo dhul uu
dadku teel teel ku yahay, sidoo kale waxaa jira dhul lama dagaan ah oo aanay
cidiba dagin, sidaa darteed waa inaan lagu xisaabtamin baaxada dhulka.
Mida
kale waxaa jira gobolo badan oo la wada dago sidaa darted
goboladaas oo kalena waa inaanay cidi si gaar ah u sheegan, sida gobolo badan
oo lagaga badan yahay laguna beeray Beesha DAAROOD oo uu danbiile Siyaad
bare ka dhaadhiciyay inay iyagu leeyihiin iyadoo la adeegsaday awoodii
dawlada somaliyeed ee uu hogaanka u hayay.
Waxaa
dhab ah oo aynu xaqiiq ku haynaa in uu Siyad Bare
Beeshiisa Daarood iyo Caalamkaba ka dhaadhiciyay in ay Somalia ka yihiin 80%,
si uu taas u hirgaliyo waxa beeshiisa 80% in ka badan ka siiyay Saamigii
dawladii Somaliyeed intii u dhaxaysay 1980kii ilaa 1991kii horaantiisii,
waxaanu beeshiisa ka dhaadhiciyay dhul badan oo somaliyeed
mulkiyadiisa, xataa ay dhacday in 18kii gobol ee Somalia isku mar uga
wada dhigay Gudoomiyeyaal niman kasoo jeeda beesha DAAROOD, meelaha
aanay dagina uu ku beeray kuna deegaameeyay, sida Hargeisa oo lawada ogyahay in
dhamaadkii todobaatanadii lagu beeray ama lagu deegaameeyay
OGAADEEN badan si ay mustaqbalka beesha DAAROOD xubno baarlamaan iyo
Deegaan ugu yeelato Hargeisa ama gobolkii Waqooyi galbeed ee Somalia.
Cadaalo
daradii iyo naasnuujintii uu siyaad bare u hirgaliyay beeshiisa wali way socota
waayo waxa uu gobolo uga dhigay tuulooyin taasna way ku badhaadheen oo waxaad
arkaysaa gobol ay dagan yihiin 500,000 qof uu la saami noqday gobol ay dagan
yihiin 50,000 qof tirada baarlamaankana ka helaan xildhibaano isleeg
sidoo kalena miisaaniyada dawlada looga qorsheeyo Saami isleeg.
Hadaan
ku noqdo Doodii saaxiibkay na dhex martay, waxay i xasuusisay dood wakhtigii dawladi Siyaad
Bare Hotel Baar midnight ku dhex martay Qoraa Cabdiqadir Oromo
iyo nin Ducaale la yidhaa oo DHULBAHANTE ah, Cabdadir Oromo oo doodaasi ku
xusay buugiisa Sobobaha burburka Somalia waxay u dhacday sidan
“Cabdiqair Oromo waxa uu waydiiyay sobobta ay beesha DHULBAHANTE mar
walba saami wayn ugu leedahay dawlada siyaad bare? Ducaale waxa uu ku
dooday in Dhulbahante qaran yahay oo waliba badankoodii aan waxba la siinin,
Mar kale Cabdiqadir Oromo waxa uu waydiiyay habka u suurto galiyay jago isku
badalka, kala dhaxalka , iyo kootada loo qoondeeyay beesha
DHULBAHANTE, Ducaale waxa uu ku jawaabay “ Waar beelaha oo dhan waa loo
sameyaa jago iska dhaxalka, sawtii Cabdilahi Axmed Cadaw wasiirkii hore ee
maaliyada lagu badaley Inaadeerkii Maxamed Sheekh Cusmaan sida
HAWIYE loo sameeyay DHULBAHANTE hadii loo sameeyo ma waxbaa ku
jaban? Cabdiqadir Oromo waxa uu ku yidhi Ducaale “ saw ma ogid in Cadaw
yahay HABAR-GIDIR, Maxamed sheekh Cusmaan yahay MURURSADE teeda kale HAWIYE iyo
DHULBAHANTE ma yihin dad la is barbardhigi karo oo la simi karo ? Ducaale waxa
uu ku jawaabay “ Namaad Baran ee na baro in DHULBAHANTE la siman yahay ama ka
badan yahay HAWIYE” Cabdiqadir Oromo waxa uu ku celiyay HAWIYE ma waxaad u
jeedaa beeshaa FIQISHINI ee sool idinla dagta, Ducaale waxa uu ku Jawaabay “
Mayee waxaan aaminsanahay in HAWIYE oo dhan uu ka yar yahay DHULBAHANTE”
Guntii
iyo Gabadii Inta Saaxiibkayga doodu na dhex martay uu aaminsan yahay in ISAAQ ka yar yahay
Jilib MAJEERTEEN ah, Ducaalena aaminsan yahay in DHULBAHANTE ka badan yahay
HAWIYE maxaan filan karnaa? Akhristayaasha ayaan u dhaafayaa Jawaabta!
Walaalahayga
Somalia ee aan jaarka nahay kana dhab yahay wadan jacaylku waxaan u rajaynayaa
Dawlad wanaagsan laakin inta cadaalad darooyinka baahsan, Sadbursiga,
dhinbiilihii iyo Dabinadii uu aasay Siyaad bare wali aasan yihiin
Somalia inay heshiiso cadaaladna hirgashaa waa :-.
Sacabkoo tima yeeshiyo
Saabuun xoor laga waayiyo
Waa dameer san madowoo
Sina loo arki maayoo
Waanay suurta gelayn.
Ugu danbayn waxaan
u sheegayaa walaalahayga aan jaarka nahay ee Somalia inay ka rajo
dhigaan midaw danbe oo dhex mara Somaliland iyo Somalia, Madaxbanaanida
Somaliland waa mid aan laga wada hadli karin laguna dhidbay dhiig geesiyaal
naftoodii huray, inta Shacabka Somaliland dunida korkeeda joogaana
Dawlada Somaliland na way jiraysaa, Ictiraafka iyo aqoonsiguna waa
midka ilaahay Subaxaana watacalaa.
FIIRO
GAAR AH :
1) Tirakoobka
kor ku xusan ee qabaailka Somaliyed waxaa laga soo minguriyay Warbixin
wasaarada arimaha dibeda talyaanigu u gudbisay golaha loo dhan yahay Qaramada
midoobay sanadkii 1959, boga 211 lana xiriirta tirakoobyadii laga sameeyay
Koonfur.
2)
Waxa kale oo laga soo minguuriyay warbixin xafiiska gumaysiga ee ingiriisku ka
diyaariyay tirakoobka waqooyi sanadihii 1956 iyo 1957 boga 9 iyo 46.
Waxaan
rajaynayaa in badan oo akhristayaasha ah inay ka garaabi doonaan nuxurka
qoraalkan, Wixii gef ah ee ku jirana ilaahay ayaan danbi dhaaf
waydiisanayaa. ALAA MAHAD LEH.
Fuaad
Abdillahi Hassan
fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa,
Somaliland.
"Sacabkoo tima yeeshiyo
ReplyDeleteSaabuun xoor laga waayiyo Waa dameer san madowoo Sina loo arki maayoo Waanay suurta gelayn...."
Horta fu'aad, qoraag maqaalkan, aad ayaan uga mahad celinaya inuu inoo so bandhigo arimo dareen ama aminaad "ideology" ka dhex jira Somalida meelkasta ooy joogto.
waxaan xusuustay maalin dhawayd oon nin aan sxb nahay wada joognay hadal uu i yidhi oo ahaa: "HAWIYE WAA 75%,SOMALIDA" ~ tiraabta waxaan kaga jawaabo man garan waayo, waxaan aad ugu dhaweeyay inay aqoon daro ka tahay iyo isaga oon xisaabta boqolaydaba aqoon u lahayn malaha, waxaan uga socdaa siyaadka xamar waa hadba ninka Vila somalia ka soo toosa, maantana xasan sheekh muumin ayaa jilaya, waxaan u fasirtay uun inuu difaacayey ficiladii, iyo maamul xumadii siyaad bare markii uu 18 May, isu soo baxa Somaliland ku tilmaamey "CAADIFAD".
Abdifatah Somalida beel walba iyada ugu badan iyadaa ugu geesisan iyadaa ugu karti badan. wad ku mahadsan tahay fikirka aad ka dhiibatay qoraalka,
ReplyDeleteHalkaas waxbadan oo wanaagsan waad ka hadashay balse hadaad wanaag sheeg is dhahdid oo ay bahasha wax kaaga darasamaan waa kuwii isla qalibma dhamaan wanaagagii iyo xagahaagii o dhan waxay ku dambaynayaan mee madhan meel gacan ku daalisa cid kaa akhrisanaysaana ma jirto: Tusaale Tiro Koobkaan aad samaysay maxaad wax cadayna u haysa hadaad hasyo na tus wixii intaas ka dambeeya Taliyaani İyo Ingiriis markay tira kobayeen Maxay ahayd u jeedadoodu waadmahdsantahay Reference: ayaa wanaagsanaan lahaa inaad samayso iyo Resoures:
ReplyDelete