Nolosha Aduunka ayaa ah mid meerto ah Maalin walbaana maalin ayay kuu gudbinaysaa, Hadii aad u fiirsato Basharka iyo Aduunka waxaad ku arkaysaa wax kaa yaabiya iyo wax kaa farxiya, Barashada dad cusub mar walba waxay kugu soo kordhisaa Farxad iyo kalgacal ama khasaare, Naxdin iyo Walbahaar sidoo kale waxaad ka barataa waayo kaa qarsoonaa!
Habeen habeenada ka mid ayaanu ku
kulanay Goobaha la isku barto ee isgaadhsiinta Internetka, Wakhtigu waa xili caruurta intii badnayd ay seexatay waayeelkuna Sariirta dul yaal, Waa xili sanqadhu yar tahay dhaguhuna waxa kali oo ah maqlayaan waan Foodhida ay samaynayso Dabayshu, Kaftan iyo Haasaawe kadib waxaan ka dalbaday Barasho Mug leh iyo Ciwaan lagala xidhiidhi karo, Sidoo kale waxaan waydiiyay Su’aalo badan oo shaqsiyadeeda la xidhiidha, si jajabnaan ah ayay iigu sheegtay su’aalo badan oo aan u hamun qabay jawaabtooda, Afgarasho iyo kaftan bilaa turxaan ah la is waydaarsay habeenkaasi, Waxay ii sheegtay in ay qurbaha ku dhalatay iyadoo iiga sheekaynaysa nolosheedii qurbaha waxay tidhi “ Waxaan ku dhashay kuna koray qurbaha waxaan lasoo noolaa Dad ajaanib ah oo iskugu jira Muslim iyo Gaalo, waxaan la qaadan jiray wakhtigayga Badankiisa Ajaanibka aan la noolaa, waxaanay iila dhaqmi jireen si wanaagsan iskamay kay waynaysiinayn ee waxaan ahayn uun dad siman oo isku xuquuq ah, Intaa aan la joogo Asxaabtayda Ajaanibka ah marnaba maan dareemi jirin wax igu abuura Walbahaar iyo Warwar, Magaalada aan ku noolaa Somali badan kuma arki jirin laakiin waxaan jeclaa inaan barto Somali badan si aan ula sameeyo xidhiidh Maalinka aan qof Somali ah la kulmaana waxaabay ii ahayd Farxad gaar ah” Wakhtiga oo cidhiidhi ahaa iyo dilaaca waaga oo soo dhawaanayay ayaa suurto galin waayay in haasawahayagu sii socdo, Sidaa darted Kulano danbe iyo balamo danbe ayaan isla qaadanay.
Muuqaalo ayaa la is waydaarsaday, aniga way qancisay si walba oo ay tahay, Awal waxaan u bogay Dabeecadeeda, Hadalkeeda naxariista leh iyo Dhaqankeeda suuban Hadana, muuqaalkeedii markaan arkay mar labaad ayaan u bogay dareenkayguna wuu raacay sidaa darteed Waxaan ka dalbaday in ay isiiso lanbarka aleenka gacanta ( Mobile) wayse ka dhago adaygtay balse sobobta ay iigu sheegi wayday Lanbarkeeda aleenku ma ahayn inay I neceb tahay, Waan dareensanaa inay xiiso badan ii hayso waxaase igu dhashay dareen wayn, waxaan Is waydiiyay Maxay kuugu diidaysaa Nambarkeeda ? Mooyi, jawaab waan u waayay! kol haday ii diiday lanbarkeedii iskumaan sii mashquulin ee halkii ayaan kaga hadhay.
Dhawr Habeen kadib ayaan kulanay Salaan iyo Hasaawe diiran kadib waxaan si kaftan ah u idhi “Walaal Baryahan Ma Bishii malabka ayaad ku jirtay? waxay sii diiran ii tidhi : May walaal , Bisha malabka waxaa ka horeeya Dhulkaygii hooyo dhexdiisa kuma hayo, kamana helayo Wiil si dhab ah ii danaynaya oo naftayda uu damac kaga jiro noloshana aan la wadaago! Habeenkaasi maan Fahmin hadalkaasi macnaha ka danbeeya Faahfaahina kama codsan, waxaanse u turjuntay uun kaftan mar kale waxaan idhi “Maxaad xidhiidhkeenii u jartay mar walbana iskaga kay fogaynaysaa, miyaa kuu qalmin? ma wiil xun ayaan u eegahay walaal? waxaan u raaciyay walaal waxaan filayaa wiil iga wanaagsan ayaad haysataa” Haba odhan lahaydaa! Filanwaa iyo Fajac, kamaan sugayn in Jawaabteedu igu noqon doonto sidii falaadh la igaga Ganay Wadnaha, waxay si niyad jab ah oo murugo ku dheehan tahay u tidhi: “Xidhiidhkeenu in uu aad u waynaado oo aynu aad isku dhex galno dooni mayo sobobtoo ah kuuma qalmo adiga ayaana iga qiimo badan walaal waxaanan ogahay in aanu xidhiidhkeenu marnaba waari doonin Midhona looga aayayn, markaa kol hadiiba aanan sariir kugula cawaynayn oo aanan noqon dooni Ooridaada xalaasha ah Inaan xidhiidh adag kula sameeyaa Macno ii samayn mayso, walaal wakhtigaaga qaaliga ah ha iska lumin ana wakhtiga ha iga lumin”
Maxa igu watay Mooyi, Faduul! Hoos ayaan u tawaawacay, Naxdin iyo Amakaag !waxan aad ula yaabay inantan qiimaha iyo sharafta leh dhaqanka suuban leh, Naxariista badan, Qadarinta leh ana aan kaba aaminsanaa Boqorada Haweenka in ay sidaas u hadashaa waxay igu noqotay Fajac iyo Dhabano hays, anigoo amakaagsan ayaan damcay inaan sii qodqodo si aan uga sal gaadho ujeedada hadaladan murugada leh ee ay igusoo ganayso waxaanan idhi walaal maxaa sidaa u tidhi? Waxaan sii idhi Boqorad inaad tahay daah igama saarna ilaahay SWC ayaana ku dhamasytiray waxaanse filayaa inaanan anuu ku qancin kuuna cuntami waayay, waxay si kalsooni leh u tidhi “Sidaa ha u fasiran, Hadalkaas oo kalena mar danbe ha I odhan, Wlaal Wiil xuna ma tihid waxaanse ogahay inaanu nasiibkaygu I kaa siinayn, Hadii nasiibku igu kaa darana, Dadku ii kaa ogolaan maayaan, Haday iikaa ogolaadaana way ku dayrin doonaan, Xataa qoyska aad ka dhalatay ayaa ku dayrin doona, Sidoo kale anigana dhibaato badan ayaa dartaa isoo gaadhi doonta, Walaal Xaqiiqda jirta la iskama indho tiri karo waanad ogtahay Walaal ISKU DAD MA NIHIN, kumana hamiyo wiilasha somaliyed, waxaanse kaga kalsooni badanahay Wiilasha Ajaanibka ah, waayo wiilka ajaanibka ah I waydiin mayo qolodayda, Hadii uu I waydiiyana marka aan u sheego I haybsooci mayo ina dafiri mayo, iguna nici mayo qabiilkayga iyo Isirkayga dartii, Balse wuxu qadarin shaqsiyadayda iyo quruxda aan leeyahay , Sidoo kale hablaha dhigayga ee dhanka kale waa mid wakhtigu u hiiliyay oo ragu faraha isku jarayo, markaa Walaal waan ogahay inaynaan is calfanayan ee wakhtiga ha iska lumin ana ha iga lumin”
Habeen habeenada ka mid ayaanu ku
kulanay Goobaha la isku barto ee isgaadhsiinta Internetka, Wakhtigu waa xili caruurta intii badnayd ay seexatay waayeelkuna Sariirta dul yaal, Waa xili sanqadhu yar tahay dhaguhuna waxa kali oo ah maqlayaan waan Foodhida ay samaynayso Dabayshu, Kaftan iyo Haasaawe kadib waxaan ka dalbaday Barasho Mug leh iyo Ciwaan lagala xidhiidhi karo, Sidoo kale waxaan waydiiyay Su’aalo badan oo shaqsiyadeeda la xidhiidha, si jajabnaan ah ayay iigu sheegtay su’aalo badan oo aan u hamun qabay jawaabtooda, Afgarasho iyo kaftan bilaa turxaan ah la is waydaarsay habeenkaasi, Waxay ii sheegtay in ay qurbaha ku dhalatay iyadoo iiga sheekaynaysa nolosheedii qurbaha waxay tidhi “ Waxaan ku dhashay kuna koray qurbaha waxaan lasoo noolaa Dad ajaanib ah oo iskugu jira Muslim iyo Gaalo, waxaan la qaadan jiray wakhtigayga Badankiisa Ajaanibka aan la noolaa, waxaanay iila dhaqmi jireen si wanaagsan iskamay kay waynaysiinayn ee waxaan ahayn uun dad siman oo isku xuquuq ah, Intaa aan la joogo Asxaabtayda Ajaanibka ah marnaba maan dareemi jirin wax igu abuura Walbahaar iyo Warwar, Magaalada aan ku noolaa Somali badan kuma arki jirin laakiin waxaan jeclaa inaan barto Somali badan si aan ula sameeyo xidhiidh Maalinka aan qof Somali ah la kulmaana waxaabay ii ahayd Farxad gaar ah” Wakhtiga oo cidhiidhi ahaa iyo dilaaca waaga oo soo dhawaanayay ayaa suurto galin waayay in haasawahayagu sii socdo, Sidaa darted Kulano danbe iyo balamo danbe ayaan isla qaadanay.
Mudooyinkii hore xidhiidhkayagu ma dhaafsiisnayn barasho walaaltinimo Balse shaqsiyada qofku waa mid mar walba kugu dhalisa dareeno kala duwan, wanaaga, ixtiraamka iyo sheekada wanaagsan waxay kugu riixdaa inaad xiisayso qofka sidaa darted habeenba habeenka ka danbeeya xidhiidhka aniga iyo iyadu wuu sii qaraysanayay,
Dhawr Habeen kadib ayaan kulanay Salaan iyo Hasaawe diiran kadib waxaan si kaftan ah u idhi “Walaal Baryahan Ma Bishii malabka ayaad ku jirtay? waxay sii diiran ii tidhi : May walaal , Bisha malabka waxaa ka horeeya Dhulkaygii hooyo dhexdiisa kuma hayo, kamana helayo Wiil si dhab ah ii danaynaya oo naftayda uu damac kaga jiro noloshana aan la wadaago! Habeenkaasi maan Fahmin hadalkaasi macnaha ka danbeeya Faahfaahina kama codsan, waxaanse u turjuntay uun kaftan mar kale waxaan idhi “Maxaad xidhiidhkeenii u jartay mar walbana iskaga kay fogaynaysaa, miyaa kuu qalmin? ma wiil xun ayaan u eegahay walaal? waxaan u raaciyay walaal waxaan filayaa wiil iga wanaagsan ayaad haysataa” Haba odhan lahaydaa! Filanwaa iyo Fajac, kamaan sugayn in Jawaabteedu igu noqon doonto sidii falaadh la igaga Ganay Wadnaha, waxay si niyad jab ah oo murugo ku dheehan tahay u tidhi: “Xidhiidhkeenu in uu aad u waynaado oo aynu aad isku dhex galno dooni mayo sobobtoo ah kuuma qalmo adiga ayaana iga qiimo badan walaal waxaanan ogahay in aanu xidhiidhkeenu marnaba waari doonin Midhona looga aayayn, markaa kol hadiiba aanan sariir kugula cawaynayn oo aanan noqon dooni Ooridaada xalaasha ah Inaan xidhiidh adag kula sameeyaa Macno ii samayn mayso, walaal wakhtigaaga qaaliga ah ha iska lumin ana wakhtiga ha iga lumin”
Maxa igu watay Mooyi, Faduul! Hoos ayaan u tawaawacay, Naxdin iyo Amakaag !waxan aad ula yaabay inantan qiimaha iyo sharafta leh dhaqanka suuban leh, Naxariista badan, Qadarinta leh ana aan kaba aaminsanaa Boqorada Haweenka in ay sidaas u hadashaa waxay igu noqotay Fajac iyo Dhabano hays, anigoo amakaagsan ayaan damcay inaan sii qodqodo si aan uga sal gaadho ujeedada hadaladan murugada leh ee ay igusoo ganayso waxaanan idhi walaal maxaa sidaa u tidhi? Waxaan sii idhi Boqorad inaad tahay daah igama saarna ilaahay SWC ayaana ku dhamasytiray waxaanse filayaa inaanan anuu ku qancin kuuna cuntami waayay, waxay si kalsooni leh u tidhi “Sidaa ha u fasiran, Hadalkaas oo kalena mar danbe ha I odhan, Wlaal Wiil xuna ma tihid waxaanse ogahay inaanu nasiibkaygu I kaa siinayn, Hadii nasiibku igu kaa darana, Dadku ii kaa ogolaan maayaan, Haday iikaa ogolaadaana way ku dayrin doonaan, Xataa qoyska aad ka dhalatay ayaa ku dayrin doona, Sidoo kale anigana dhibaato badan ayaa dartaa isoo gaadhi doonta, Walaal Xaqiiqda jirta la iskama indho tiri karo waanad ogtahay Walaal ISKU DAD MA NIHIN, kumana hamiyo wiilasha somaliyed, waxaanse kaga kalsooni badanahay Wiilasha Ajaanibka ah, waayo wiilka ajaanibka ah I waydiin mayo qolodayda, Hadii uu I waydiiyana marka aan u sheego I haybsooci mayo ina dafiri mayo, iguna nici mayo qabiilkayga iyo Isirkayga dartii, Balse wuxu qadarin shaqsiyadayda iyo quruxda aan leeyahay , Sidoo kale hablaha dhigayga ee dhanka kale waa mid wakhtigu u hiiliyay oo ragu faraha isku jarayo, markaa Walaal waan ogahay inaynaan is calfanayan ee wakhtiga ha iska lumin ana ha iga lumin”
Hadaladaasi qiirada leh ee Afkeeda kasoo baxayay kana soo maaxanayay qalbigeedu waxay gilgileen jidhkayga oo dhan waxaa iga soo hadhay Naxdin xataa, waxaa igu adkaatay inaan wax u qoro oo u jawaabo, Waxa uu kam’a iga galayba wixii aaan ugu jawaabi laha, si aan niyada ugu dhiso waxaanse xasuustaa inaan dhiirigaliyay, waxaa kale oo aan xasuustaa inaan u sheegay in dadku siman yahay dhamaan balse lagu kala darajo badan yahay Cibaadada ilaahay “ waxay sii tidhi, Runta lama diidi karo, Waaqica jirana lagama talaabsan karo ee waxba niyada ha ii dhisin reerka aan ka dhashayna idinkaa iska fogeeyay, dhiirigalintaadu waxba ii tari mayso, Nolosha aan ku noolahayna waxba ka badali mayso,waxaan hore usoo arkay una taagnaa rag waawayn oo aqoonyahan iyo Culimo iskugu jira oo u tafaxaytay dhiirigalin iyo kuna wacyi galinya Bulshada in dadku siman yahay hadana in ay diideen Hablahayaga guurkooda”
Hadaladaasi qiirada leh oo ah qaar ku salaysan xaqiiqo ku jirtaa, waxay kasoo burqanayeen Wadne iyo Naf la il daran xanuun ay ku beereen walaalahii ay la noolayd oo faquuqay, Maalmihii ay wadanka usoo dhoofaysay waxay dareemaysay Xiiso badan sobobtoo ah waligeed may arag dalkeeda hooyo, waxay filaysay Soo dhawayn, waxay filaysay barasho cusub, Balse markii ay wadanka timid xaalku sidii ay moodaysay wuu iska badalay, kuwii ay u timid una soo dhooftay ayaa ku tigtigay xadhko Ad-adag, wax danbiya may samayn, cidna qalad kamay galin, sidoo kale Gabdhaha kale badankooda iyadaaba ka fiican, Salaadu ma dhaafto, way cibaadaysataa, ilaahay ayay ka cabsataa, Cilmi barashiidasa way jeceshay lakin bulshada ku xeeran ma u ogolaan donaan inay ka midho dhaliso hamigeeda, Waa maya! Waayo ugu yaraan way niyad jabinayaan waxaanay ku odhanayaan Hadalo meel ka dhac ah oo yasid halkii ugu danbaysay ah, Bulshadii oo dhan waxay ka qaaday sas, waxaanay u haysataa Cadaw sidoo kale waxay kaba jeceshahay kana door bidaysay Dadka ajaanibka ah sobobtoo ah Ajaanibku way soo dhawaynayaan qoladeedana qiimayn maayaan waxayse qiimayni hab dhaqankeeda wanaagsan, joogeeda iyo quruxda alle ku manaystay ee aan meel la tuuro lahayn! Iyadoo I xasuusinaysa Noloshii qurbaha waxay tidhi “Waxaan ahaa gabadh dad dhex gal leh oo ay dadka ajaanibka ah aad uga helaan Sheekadeeda iyo Dabeecadeeda wanaagsan, waxaan ahaa gabadh hawl kar ah oo shaqo kasta qaban karta, Maantanase ma ihi Gabadhii hore ee farxada ku noolayd!” Waxay ku adkaysatay in xidhidhkayagu aanu waarayn, Mudo kadibna khadka kumaanu kulmin, waxaanse u fasirtay cadhada ay u hayso somalida darteed ay u daysay Internetka, Internet iska daaye xataa xaalada ay ku sugnayd iyo murugada ka muuqatay waxaa suurto gali karaysay inay nafteeda lumiso.
Waxaa sida mawjada ku cartamaya maskaxdayda mar walbana aan Is waydiiyaa Suaalahan, Gabadhan dalkeedii hooyo iyo dadkeedii soo booqatay, maxay u dhacaysaa in ay maalin walba kusoo toosto niyad jab Bulshada ay la nooshahayna qadarin waayaan? Waa su'aale Tolaw maalin uun nolosheeda wax ma iska badali doonaan? Nolosheeda ma waxay ku dhamaysan doontaa sida ay maanta ku sugan tahay? mise waxay noqon doontaa mid ka faraxsan oo ka rajo wanaagsan xaaladan ay ku sugan tahay? Tolow ma u dilaaci doonaa waa cusub oo loogu hayaamo jid cusub ?.
Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan kaligay waxba uma qaban kari maayo balse hadii aan taageero badan heli lahaa Dadka dhigayga ahna wax ka qori lahaayeen Arinta foosha xun waxaa laga yaabaa in is badal wanaagsan dhici lahaa iyadana nolosheedu isku badali lahayd Badhaadhe, Hadiiba aan ku dhiirado inaan wax u qabtana dadku iga dayn maayaan dhaleecayn waxaana laga yaabaa in ay nafteeda iyo tayduba halis galaan, waxaan ka fikiray Bulshada dhibaataysay Gabadhan qiimaha badan ee aan hadana moodayn in ay Ri gees ka rideen xataa ma dareensana Gashaantidan walbahaarka ay habeenkii ku seexato kuna soo toostaa inuu yahay mid iyagu sobob u yihiin.
Waxaanan marnaba ilaawayn hadaladii murugada lahaa ee kasoo baxayay Qalbigeeda niyad jabsan hadaladaasi waxay naftayda ku beereen warwar iyo walaac waxaan dareemay niyad jab badan, Anigoo xafiiskayga fadhiya oo kursi isku kala bixinaya ayaan xasuustaa Hadaladeedi kadib waxaan gala mawjado fikir ah sidii aan xisaab dajinayo ayaan indho indheeyaa aduunka dhibkiisa, Mararka qaar waxaa jidhkayga saaqda Jidhiidhico dhidid buurbuuran ayaana ka yimaada jidhkayga dhamaantiiba.Gabadhaasina maalin maalmaha ka mid ah noqon doonto mid lagu hirto raguna ka daba dhaco oo tartan loo galo? Mooyi!
Gunaanad iyo Dhiri galin:
Walaashayda qaaliga aheey taladaydan dhuux “Qadarka iyo Qoraalku waa mid ka yimaad xaga ilaahay, Ilaahay waxaa loogu kala dhaw yahay Cibaadada, Waayaha iyo wakhtigu mar walba ma saacidaan Ibnu aadamka sidoo kale mar walbana ma liidaan adigase difaacaagu waa adkaysiga, Ogowna badheedho laguma waaro baroorta iyo dhibtuna joogto maaha, waa Ayaanba Ayaan duni aakhirsamaan nin aroos Galayaa nina aas tagayaa, Noloshu waxay qiimo yeelataa markaad ku faraxsan tahay, Farxaduna waa mid gacantaada ku jirta balse kolba waa sida aad u isticmaasho, samirkuna waa furaha Guusha ciilka iyo Murugaduna waa Hagardaamada Nolosha, Adkaysigana waxaa lagaga gudbaa hagardaamada nolosha ee sida qodxaha teedsan, liidnimada iyo is dhul dhiguna wuxu kuu horseedaa Guuldaro joogto ah, Hiigsigaaga ood ka rumaysaana waxa uu kaa jabiyaa dabarka kugu xidhan Guushana waad hanataa, Himilada aad leedahayna waa mid kuu suurto galisa hiigsigaaga oo rumooba, Rajada oo dhanka wanaagsan laga eego waxa looga gudbi karaa Badhaadhe, Walaashayda qaaliga aheey Ha Sugin inuu is badal dhaco Balse ku dadaal inaad aduu Isbadal keento, hana u nuglaan dhibaatooyinka iyo faquuqa kaagama imanaya bulshadaada.
Fuaad Abdillah Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
No comments:
Post a Comment