Haddaan diintu qabanayn
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa qabtaa jirin
Dadku waa belaayee
In dameerka aadmigu
Darajada ka hoos maro
Ama dawladaha qaar
Xayawaanka duurkiyo
Dugaaggii ka liitaan
Kumay jirin duruustee
Diiwaanka waayaha
Dib ma loogu qorayaa Maansadii Darmaan iyo Dalxiis, Abwan Cabdiqays.
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa qabtaa jirin
Dadku waa belaayee
In dameerka aadmigu
Darajada ka hoos maro
Ama dawladaha qaar
Xayawaanka duurkiyo
Dugaaggii ka liitaan
Kumay jirin duruustee
Diiwaanka waayaha
Dib ma loogu qorayaa Maansadii Darmaan iyo Dalxiis, Abwan Cabdiqays.
Culays xad dhaaf oo la saaray darted Dameerkii waxa uu waayay Awood uu ku dhaqaajiyo Garbihiisa iyo Adimadiisa culays Dartii. waxaa Dusha kaga raran Sodan Xabo oo Biro waawayn ah qiyaastiina Halka Xabo ay Gaadhayso ilaa 20kg xaga dhererkana Gaadhaysa xabadiiba ilaa 3 mitir.
Dameerkii waxa uu bilaabay In uu gariiro oo uu rafto dhaqaaqina kari waayo balse Ninka dameerka wadaa muu ahayn mid u naxariisanaya Dameerkan Silica iyo dhibta ay ka muuqato ee Xubnaha jidhkiisa oo dhan ay dubaaxinayaan waxaanu ninkii Dameerlihii ku qasbay dameerkii inuu dhaqaaqo isagoo lugaha kaga garaacay Ul si awood lehna ugu garaacay.
Dadweynihii isku arkayay Dameerkan Rafanaya iyo Ninkan dhangadaynayaa ayaa ku yaacay kana dajiyay Alaabtii Dameerkii, waxaana ay ninkii ku qasbeen in uu alaabta ka tago. Kadib waxa Alaabtii soo doontay Mulkiilihii Alaabta Mar aanu waraysanay Mulkiilihii Biraha oo ahaa nin geerash leh ayaa waxa uu noo xaqiijiyay in uu siiyay ninka Dameerlaha ah lacag gaadhaysa 60,000shiling waxanu yidhi “ waxaan ku idhi ninka dameerlaha ah Saddex jeer usoo noqo oo markiiba toban xabo qaad Manaan ogayn in uu hal mar wada daabulay Birihii”
Dameerada lagu Ganacsado ayaa wakhtiyadan danbe waxa ay kusoo badanayaan Caasimada Hargeisa waxase dhib ah in aan loo Aabo yeelin oo la saaro Culays xad dhaafa taa waxa u dheer in ninka Dameerlaha ahina uu dusha ka fuulo oo culays kale kusii kordhiyo.
Mararka qaarkood waxa dhacda in inta la saaro culays badan hadana qasab lagu mariyo meelaha Dalcadaha ah isagoo ninkiina dusha ka saaran yahay Ul-na xoog ula dhacaya si uu u dagdago oo u cararo.
Waxaa kale oo jirta in ay dhibaato ka taagan yahay meelaha suuqyada oo ay dameerlayashii iyo baabuurtii isku dhaafayaan taasi oo aan loo cayimin dameerlayaasha wadooyin iyo meelo u gaar ah si ay uga nabad galaan Baabuurta iyo dadkaba.
Intaa waxa u dheer in aan wax quud ah la siin dameerada lagu ganacsado waxaana lagu shaqeeyaa 17 saacadood oo xidhiidh oon wax cunto iyo biyo ah midna la siin, waxaa kale oo ay waayeen daruurigii nafsiga ahaa sida rabitaankoodii jinsi oo anay ka hagar bixin ee maalin iyo habeen lagu shaqeeyo kadibna marka Garbo beelaana lagu siidayaa Suuqyada dhexdooda.
Waxaa wax laga dhiidhiyo ah in ayna dawladahihii somaliland iskaga danbeeyay samayn sharci lagu xakamaynayo dhibta lagu hayo Xayawaanka Dabjoogta ah Sida Dameeraha Lagu ganacsado, Xisbi kali ahna kuma ku darsan ololihiisii arimaha la xidhiidha Xayawaanka wadanka taasina waa nasiib daro. Sida Caalamka ka jirta Masuuliyada xayawaanka duurjoogta iyo dabjoogta ahiba waxay dusha ka saran tahay hadba dawlada wadanka ka talisa taana way ku guuldaraysteen Dawladihi somaliland soo maray mid kali ah oo masuuliyad iska saartay una kuurgashay dhibaatada lagu hayo xayawaankuna ma jirto.
Dawladii Arxanka darayd ee Siyaad Bare ayaa kibir darteed waxay duudsiday Xayawaankii sida dameerihii waxaana wakhtiyada qaar jirtay in ay Dameerada Dabada kaga xidhay Kiishash waawayn si aanay ugu dhex saxaroon Magaalada sidoo kale waxa taariikhda ku sugan Cabdiqays na u ka Maansooday Xaalad dhab ahayd oo ka dhacday Magaalada Muqdisho iyadoo Jeel lagu wada xidhay Dameer iyo Cabdiqays mudo sided sano ahna ay wada xidhnaayeen inkasta oo uu cabdiqays damerkaasi kusoo badalay mid yar hadana waxa uu sheegaa in kii yaraana ay ku burburtay Dawladii Siyaad Barre ee arxanka darayd. Cabdiqays oo arintaasi aad uga dhiidhiyay waxa uu ka tiriyay dhacdadaasi Maasno aad u qiimo badan oo Gabayada aduun waynaha ka gashay kaalinta Koowaad waxaana Maasnadaasi ka mid aha midhahan hoos ku xusan oo qofkii damiirlihi ka in badan wax ka dareemayo.
Dawlad xumi ha talisoo
Bulsho ha u daraatoo
Aqalada ha dumisoo
Dumarkiyo dhalaankiyo
Maatida ha dooxdoo
Ayaxoo dagaagiyo
Dirindiir sideedii
Inay dalaga beeraha
Dam ka siiso waan qabay
Misna talada kuma darin
Duunkana kumaan hayn
Dubaaqayga maan galin
Intaan dunida noolaa
Ismaan odhan dad baa jira
Duunyada colaystee
Markaan eegay dulinkiyo
Xoolaha dayoobee
Xaqoodii la duudsiyay
Dalba nacaye waa yaab
Gabagabada Qoraalkayga waxaan soo jeedinayaa kuna dhiiri galinaya Dawlada wadanka iyo Shacbigaba in ay ka dhiidhiyaan kana xumaadaan dhibta lagu hayo Xayawaanka ma garatada ah ee la silcinayo, waxaana lama huraan iyo daruuri ah in ay dawlada wadanku kasoo saarto Sharci xakaymaynaya una ogolaanaya Xuquuqda Xayawaanka wadanka ku nool sharcigaas oo la hirgaliyo cidii ku xad gudubtana lasoo taago Maxkadama qaranka.
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment