"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Warbaahinta aan dhex dhexaadka ahayn Sida Universal TV, Somali chanel iyo Laanta afsomaliga BBC waxaynu ugu yeedhi karnaa NAMIIMIYE

Namiimiyuhu warkuu sheegayaa
nacas run moodaaye 
Ana nadartu wixii aan arkaan
nacam idhaahdaa.
Nin ku xiga  naxliga
kuu galaa  nudayga kaa gooye
Namiimiyuhu waa midka ka shaqeeya u  kala dab qaadida iyo isku dirka umada muslinka ah waxaanu ku sifoobaa Cid Necbaysi iyo Naxli kadib si uu umada walaaha ah iskaga hor keeno waxa uu adeegsada tabaha isku dhufashada u kala warqaadida isku dirka. Namiimiyaha waxaa lagu gartaa marka uu kula joogo wanaag ayuu kuu muujinaya marka uu cadawgaaga la joogana wanaag ayuu u muujinayaa, Marka uu walaalkaaga muslinka ah la joogana been ayuu kaa sheegayaa si uu iskugu kiin dhufto.

Hadaba warbaahinta ah Saxaafada  aan u shaqayn sida dhex dhexaadka ah ee ku shaqaysata isku dirka iyo kala dilka walaalaha waxaynu odhan karna waa Namiimiye shaqadoodu ku salaysan tahay colad waarta.
 Namiimiyaha loomana dhawaado lamana soo dhawaysto marka uu kula joogo xumaan iyo xiqdi ayuu kugula dhex jiraa marka uu kaa maqan yahayna xumaan iyo xiqdi ayuu kaala maqan yahay  Sidaas ay tahay Dawlada Somaliland way ka gaabisay in ay wax ka qabato faragalinta iyo carqadaladaynta Siyaasada Somaliland ee uu ku sifoobay Universal Tv iyo sidoo kale Laanta Af somaliga BBC oo iyadna ay ka muuqato Colaad wayn oo ay kula jirto Qaranimada Somaliland sidoo kale waxaa dhawaan soo baxay Chanel warbaahinta kula soo dhex dhacay cuqdad oo cid gaar ah ay arimahooda ku fushadaan oo Nabad diid ah.

Somalidu waxay tidha beenaale wuxu kala dilaa beelo wada yaal waxaan uga socda Universal Tv mudadii uu socday dagaalkii kalshaale waxa uu si xamaasadaysan usoo dayn jiray Dagaalka isagoo janjeedha oo u xaglinaya Jabhada Argagaxisada ah Ka’ana waxaabad moodaysay  in uu jiida hore ka dagaalamayo waxaa aad la yaab u ahayd in uu soo daayay Laba ciidan oo dagaalamaya in uu ku sheegay shacab maati ah oo ciidanka qaranka  Somaliland xasuuqayo taasi oo ah kicin dad iyo colad abuurid Balse halka sartu ka qudhuntay ma uu soo dayn xalkii iyo Baraagihii sida wanagsan loo aasay laguna qaboojiyay colaadi Kalshaale. 
Waxaan in badan arkay Tv universal waxa uu barnaamijyo Somaliland la xidhiidha usoo diyaariyaa marka ay siyaaasada Somaliland carqalad yara gasho isagoo ka faaiidaysanaya kala qoqobka siyaasadeed ee Asxaabta iyo Xisbiyada  dawlada Somaliland.

 Laanta Afsomaliga ee BBC iyadu hore ayay dhinac u janjeedhsatay cid walbana warkeeda way ka dharagsan tahay oo hadal badan uma baahna, Badankiinuna waad ogtihiin in ay tahay  idaacad u shaqaysa Muqdisho iyo Nawaaxigeeda ama Somalia-da burbursan ee hoobiyaha lagu qureecdo.

Isku diraha dadka walaalaha
Kala dilaha dadka is jecel

Guntii iyo Gabagabadii Waxan kula talinayaa Dawlada Somaliland in ay samaysato Warbaahin maqal iyo muuqaal ah si ay dadkeeda uga haqabtirto wanaaga iyo talaabooyinka horumarka ah ee ay ku talaabsatay mudo labaatan sano ah waliba iyadoo aan ictiraaf iyo deeq caalami ah midna ka helin beesha Caalamka. Warbaahintu waa waxyaabaha ugu muhiimsan Hadii aanad warbaahin cod dheer haysana waxaa hubaal ah in siyaasad ahaan lagaa badinayo dibna laguu riixayo lana hor istaagi karo yoolkaaga iyo himiladaada ama madmadaw la galin karo.

Fuaaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland
  


No comments:

Post a Comment