"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

AL-SHABAAB iyo DARAAWIISHTII Midkee ..........?


 Ma laga yaabaa in Alshabaab labaatan sano kadib  taariikhda Somalida baal dahab ah lagaga qoro sidii  Daraawiishba taalooyinka loogu sameeyay? Jawaabtu akhristaha ayay u taal. Si kooban hadii aan uga hadlo Alshabaab waa koox islaami ah, waxanay dagaalo joogto ah la galaan
Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Koonfurta Somaliya.Daraawiishtuna waxay ahayd koox islaami ah, waxay la dagaalami jirtay ciidankii Ingiriiska ee ku sugnaa Cariga Somaliyed, la dagaalanka Ciidamada Ajaanibka ah waa mid ay iskaga eeg yihiin labada kooxood. Waxa kale oo ay Alshabaab iyo Daraawiish iskaga shabahaan in qof muslim ah lagu sheego Murtad amaba Gaalo raac, Sidoo kale in qisaas lagu fuliyo qofkii danbi gala taasi oo diinta islaamku farayso dariiqooyin sharci ah oo loo maro iyo hab loo fuliyoba, qisaastu waa hab ay Alshabaab caan ku tahay marka loo eego daraawiishtii.


Alshabaab iyo Daraawish meelo badan ayay iska shabahaan, balse Ujeedada maqaalkan oo aan ahayn mid aan is barbardhig guud aan ku samaynayo labada kooxood ayaan ii saamaxayn, sidaas darteed hadii aan intaas kaga baxo isku eekanshahooda, bal ila wadaag dhawr qodob oo ay Alshabaab kaga duwan yihiin kagana wanagsan yihiin Ciidankii Daraawiish iyo hogaamiyahoodii  Sayid Maxamed Cabdalle Xasan;

·         Hogaamiye ama qof xubin ka ah Xarakada Alshabaab oo caayaya Dumar, Rag iyo Reero ma aynu arag mana aynu maqal, in kasta oo ay dadka kaso horjeeda Mabda’ooda ku sheegaan Gaalo Raac caydooda ugu wayna waa MURTAD iwm, Halka Hogaamiyhii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalle Xasan laga hayo Gabayo cay ah oo aad u foolxun kuwaasi oo uu u tiriyay Qaybaha bulshada. Gabadh la odhan jiray Caasha Kenadiid oo la dhalatay Boqor Kenadiid kii Majeerteen waxa u sayidku ku caayay gabay aad u foolxun oo qalbigu diidayo, waxanu yidhi :

            Nimanyohow si daran buu qalbigu ii saddimayaaye
            Sirqadii uu dhalay keenadiid sawdka laga keenay
            Iyo silica ay tahay dhilladu waa si kala dheere
            Saadada intay caayi iyo subacyadii diinta
            Intay nimanka saalixiyada sare u keeneyso
            Sibiisheeda ay kala wadhwadhi sacabka may saarto
            Suyuceeda uri baa wadnuhu nala sureeraaye
            Sunnaadheeda waa lagu bakhtiyi madax sanbiilleeye
            Sanka waxa iga galay dooraday nagu sammuutaynne
            Siilkeedu saaxaha ka weyn sina qabaalleeye
            Waxay ugu saftaan sidii horweyn kaalin loo simaye
            Soddon dowlis baa lagu shubaa saacad iyo leyle
            Ilko suruqa bay leedihiyo foolal saawirahe
            Sanbab weeye ceedhin afkii suuliga ahaaye
            Sullankeed la naar waa waxay sabuhu dhuuqaane
            Waxa saarta soomaalidii saaruqa ahayde
            Sarkaalkiyo subeydaarradiyo sowjarkaa kuda e
            Maxaan siil qadhmuun kala hadlaa waaba saaniyade  Xigasho: BUUGA SOOYAAL

Gabadh kale oo Dhiimo Ciise la odhan jiray oo Dhulbahante ahayd  kana mid ahayd xaasaskiisii ayuu Sayidku ku eedeeyay gogol dhaaf iyo in ay sumayn rabtay waxaanu armay in la dilo gabadhii markii la dilay waliba si foolxun loo dilay ayuu hadana gabay uu ku durayo habdhaqankeedii ka daba geeyay waxaanu yidhi 

                        Inkastoo rasaas lagu ganoo lagu garaacaayo
                        Inkastoo ka goor iyo ka goor gamasyo loo haysto
                        Dhiimaa god loo qoday anaan laabta gelineyne
                        Haddaahay cadaawaha gardaran ugu garbaysaaye
                        Haddaahay gasiinkaan lahaa gunno u dhiibtaaye
                        Haddaahay nin geeskaa ka mari gaar u dhugataaye
                        Haddaahay sidii goodir dhalay godolka xiistaaye
                        Haddaahay garraarko furfuri garacii Looyaane
                        Haddaahay ku guuxdaa wasmada gacaladeediiye
                        Haddaahay ku wada goohayaan gudo gariirtiiye
                        Haddaahay guskii kula jiraan goborta weynaaye     Xigasho: SOOYAAL
  • Alshabaab Kama aynu maqal ama aragba iyagoo isku diraya beelo Somaliyeed, halka aynu in badan aragno iyagoo heshiisiinaya beelo ama dad u kala xukumaya hanti ay kala dhaceen sida beero ama xooloba. Taa lidigeeda waxa taariikhda ku qoran lana dafirin Karin inuu Sayidku isku soofayn jiray beelaha Somaliyeed si uu uga faaiidaysto colaadooda.
  • Alshabaab beelo Somaliyeed ma bartilmaameedsadaan waxayse abaaraan hadba cida ay ku tuhman inay dhabarjab ku tahay danaha ururkooda, Hadaba Sayidka oo ahaa hogaamiyihii ugu sareeyay ee Daraawiishtu wuxu beelo Somaliyed ku bixiyay Guluf isagoo ugu hanjabi jiray inuu dhamaantood xasuuqi doono beelahaasi oo cid walba lahaa isagoo aan sheegin sobob uu u laynayo dadkaasi , tusaale nool waxa  inoogu filan gabaygan waxaanu yidhi :

                Galshey baan lhaa reer subeer goborro weyntiiye
                Haaruun gumaad baan lahaa gabadhna haw reebin
                Gufaacada horaan dalal lahaa golaha raacsiiye
                Guraas iyo iljeexjeex baan lahaa gawrac ugu jiide
                Gadhcadaha xuseenaan lahaa gudiraga u looge
                Gorof-u-raaboo aan helay uma gargaareene
                Gawsaha ka jebi baan lahaa guda qadhmuunaaye
                Gaalayska xaylaan lahaa geli nijaaskiiye
                Gobaygii xagla godan lahaa garacii reer ciise
                Xasan gamas ku jabi baan lahaa goob ha jiifsado’e
                Gasirkii walaalkii ahaa daba guduudnaaye
                Usagana goshaan waran ka gelin goor aroorya ahe. Xigasho Buuga SOOYAAL

  • Ciidanka ama hogaamiyayaasha Alshabaab laguma hayo in ay guluf ku qaadeen dad shacab ah si ay uga dhacaan hantidooda iyo xoolahooda, Halka Sayidka iyo Ciidankiisii daraawiisheed ay taariikhdu xusayso in ay caadaysteen dhaca xoolaha iyo hantida umada , Nin la yaabay dhaca xoolaha ee Sayidka iyo Ciidanka Daraawiish ku kaceen ayaa wuxu yidhi ;
           
            “Col Ashraafi wacaysiyo
            Caalin reero dhacaaciyo
            Cilmi geel lagu qaado
            Sayidkii Calmanaayaw
            Cimri yuu ku simaayoo
            Cidhibteeda ogaada”.Xigasho: Buuga SOOYAAL

  • Hogaamiyayaasha Alshabaab kama aynu arag kumana aynu maqal, in ay hal mar wada qabaan in ka badan afar dumar ah, Halka Sayidku u dhaxay 32 dumar ah, isla markaana uu hal mar wada qabay todoba ka mid ah, Salaan Carabey oo arintaas ka marag kacaya wuxu yidhi “ Shan uunbaa haweenka u shardiya shayna weheshaaye”.
Fiiro Gaara:  32 dumarka ah Magacyadoodii iyo beelaha ay kaso jeedaanba waxa ay ku qoran yihiin Buuga SOOYAAL.

  • Hogaamiyayaasha Alshabaab kama aynu arag kamana aynu maqal iyagoo dadka muslimka ah ku amraya inaan la tukan, Halka Sayid Maxamed Cabdale Xasan uu ciidankiisii daraawiish maalin jimce ah ku amray inaan la tukan, taasi oo u muuqato kibir iyo awood sheegasho. Cali Jamac Habil oo ilaahay ugaga cabanayaana waxaa gabaygiisi caan baxay ku jirtay 

                Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey
                Allahayoow addoonimo midkaan kugu adeecaynin
                 Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaagaXigasho : Buuga SOOYAAL

  • Hogaamiyayasha Alshabaab ma ay sheegan in ay yihiin Mahdi dadka loo soo diray, halka ina Cabdale Xasan sheegtay MAHDI dadka loo soo diray, markii uu lahaa  “Dad ninkii MAHDIGA diiday oo gaal u muxubaysan”.

Guntii iyo Gababadii waxaan akhristayaasha waydiinayaa ;

Ø  Sayid Maxamed Cabdalle Xasan iyo Axmed Cabdi Godane midkee ayaynu ku tilmaami karnaa inuu u dhaw yahay  Sheekh? Ma ka  dumar caayay mise ka dumarka Wacdinaya?
Ø  Alshabaab iyo Daraawiish midkee ayaa lagu sifayn karaa u dhawaanshaha dhaqan Muslim ? Ma kuwa xoolo iyo hanti umadeed dhacayay mise kuwa beelaha Somaliyed u kala xukuma hantida ay sharci darada ku kala haystaan sida Beero, Dhul iyo Xoolo, isla markaana heshiisiiya beelaha ay xurguftu dhextaal?


Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland
fuaad_phy@hotmail.com





No comments:

Post a Comment