"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dhacdadii Aniga iyo ADEEGA ZAAD.

Si aan QAWDHAN lacagtii ugu diro ayaan furay Adeega ZAAD  waxaan galiyay Lanbarkii sirta ee ii gaarka ahaa,waxaanan maray dhamaan jaranjarooyinkii hore ee loo baahnaa si aan lacagta u diro.
 Adeega ZAAD waxa uu I  waydiiyay
Ma hubtaa inaad lacagta u dirtid QAWDHAN  oo uu  ku ladhay Magacii Aabihii iyo Awoowgii, Markii aan arkay Magacii  waxaan ogolaansho siiyay ADEEGA ZAAD si uu lacagtii u sii daayo, Adeega ZAAD lacagtii wuu diray.

Hadaba si aan u xaqiijiyo Lacagtii in uu QAWDHAN helay  ayan wacay lanbarkii aan lacagta u diray, QAWDHAN  lacagtii ma iga haysaa? Wuxu iigu jawaabay, lacagtee ? QAWDHAN miyaadan ahayn?  Mayee waan ahay, waxa uu intaas kusii daray imika ayaan toosee bal aan eego, Shaki ayaa iga galay inuu QAWDHAN kani yahay  QAWDHAN kii aan doonayay inaan lacagta u diro.

QAWDHAN lanbarkiisii ayaan baadhay mise waxaan xaqiiqsaday in QAWDHAN-ku aanu ahayn QAWDHAN-kii aan aqaanay ee aan lacagta u dirayay,  lanbaradoodu waxay ku kala duwanayeen hal lanbar Magacase way ka sinaayeen.

Si aan u xanibo lacagta Waxaan wacay qaybta ADEEGA ZAAD ee shirkada TELESOM, Lanbarkaad garaacday lama qabanayo fadlan ku celi mar kale! Tiraba dhawr jeer waan ku celiyay jawaabtuse waa isku mid uun Lanbarkaad Garaacday lama qabanayo fadlan ku celi mar kale! Waxan is waydiyay lacagtaa hadii uu QAWDHAN suuqa la galo oo uu kala baxo Mobile-kiisa halka aan u raacayo? shirkadii aan filayay in ay I caawiso iyadna TELEPHONE-kaba qaban mayso, Sobobta ay TELEPHONE u dhigteen xafiiska ayaan hadana Is waydiiyay? MOOJI malaha in ay ku raaxaystaan Jalaska TELEPHONE-ka.

Iima uu dhawayn xafiis aan tago oo cabashadayda u  gudbiyaa, anigoo ka warwarsan adeega ZAAD ee shirkada TELESOM nidaamkeeda lacageed sida loogu kalsoonaan karo ayaan wacay QAWDHAN-kii ay lacagtu ku qaldantay waan is waraysanay, wuxu ii sheegay in uu yahay CURYAAN, waxanu uu ii balanqaaday inuu lacagta isoo celinayo, Aniguna waxaan u balanqaaday Baabul-xafid inaan siin doono. QAWDHAN balantiisii wuu oofiyay woxogaagii Baabul-xafidkii  ayaanu iska iimaansaday.

Dhacdooyinka maalin laha ah ee ina soo mara waxa ku duugan cibaarooyin u baahan in aynu aynu wax kala baxno Hadaba dhacdadan ANIGA iyo ADEEGA ZAAD  waxaa iiga baxay in adeega ZAAD ee shirkada TELESOM aanay jirin cid damaanad qaadaysa ama kuu adeegaysa hadii ay lacagtaadii qaldanto oo ay ku dhacdo QAWDHAN aan ahayn QAWDHAN-kii aad lacagta u diraysay, Isla markaana Shirkada TELESOM aanay lahayn shaqaale afar iyo labaatanka Saacadood xaadir ah oo heegan ugu jira in ay ka hortagaan ama xalilaan dagaalo kaga iman kara tuugo cilmiyeedka loo yaqaan HACKERS kuwaas oo dagaal iyo weerar joogto ah ku haya SYSTEMS-ka shirkadaha aduunka isla markaana jabsada ACOUNTS-kooda, HACKERS ku xad ma laha waxaanay weerari karaan meel kasta oo aduunka ka mid ah, Hadaba Shirkada TELESOM ee aan ka jawaabayn TELEPHONE lasoo wacay sidee ula dagaalami kartaa ama uga hortagi kartaa in lasoo weeraro ADEEGA ZAAD?

Dhacdada aniga iyo adeega ZAAD Waxaa kale oo iiga baxay sida uu ilaahay u arsaaqo adoomihiisa Curyaan, mid caafimaad qaba,mid bilaa camal ah iyo mid shaqeeyaba  waxaanan u riyaaqay sida uu ilaahay adoonkaa curyaanka ee gurigiisii hurda uu  u arsaaqay taasi oo cibaaro inoogu filan dhamaanteen.

Guntii iyo Gobo gabadii waxaan shirkada Telesom usoo jeedinayaa in ay samayso jaran jaro ku meel gaadh ah  oo qofka u  sahlaysa inuu lacagtii si qalad ah uga baxda ama laga xado uu u xanibi karo, iyadoo marka danbena uu shirkada toos ula xidhiidhi doono si go’aan wada jir ah looga gaadho  in si rasmi ah loogu soo celiyo lacagtaasi iyo in kale, Hadiise ay sidan wax ka badali waydo waxay khasaare iyo dhagar  ku tahay macaamiisha shirkada isla markaana sharaf dhac ku tahay shirkada iyo adeegeeda ZAAD  maadaama  dad badan ay KEYD LACAGEED ahaan u isticmaalaan adeegan.

Fuaad Abdillahi Hassan

Hargeisa, Somaliland 

3 comments:

  1. You are inspiration to Somaliland youth. Keep up the good work. We need more Fuads.

    ReplyDelete
  2. waa run sxb arrintaasi aniga ba way igu dhacday oo waliba lambar xidhan ayey lacag igaga khaldan tahay soo noqo sii noqo ayaa igu dhacday ,

    ReplyDelete