"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dhacdadii Isaga iyo ADEEGA ZAAD.


Mooge faras magaalaha ayuu ku haystaa  meherad yar oo isku badalka lacagaha ah (Sarifle) halkaasi oo uu quutal daruuriga uga raadiyo qoyskiisa, sidii
awalba ahaan jirtay isagoo shaqo maalmeedkiisii ku guda jira ayaa waxaa u yimid nin aanu hore u arag.

Salaan kadib ninkii waxa yidhi “Walaal waxan doonayay in Mobile-kaaga lacag la iigu soo diro ee fadlan ii garaac  ninka lacagta isoo diraya si aan ugu sheego lanbarkaaga” Mooge si dareen la’aan ah ayuu ugu dhiibay Mobile-kii,

Ninkii markii laga qabtay lanbarkii uu garaacay Hadalba ma uu badine waxa uu yeedhiyay lanbarkii lacagta lagu soo dirayay, waxaanu  sii raaciyay  “ Wakaa lanbarkii ee lacagtii iigu soo dir imika”, Mudo kooban kadibna Mooge waxa uu maqlay fariintii ogaysiinta Adeega ZAAD oo sheegaysay  in ay mobile-kiisa lacag kusoo dhacday, isla markiina ninkii  ayuu lacagtii  gacanta ka saaray, Isna markii uu lacagtii gacanta ku dhigayba magaalka dhinac kala gal lacagtii.

 Wakhti yar  kadib Ninkii lacagta soo diray ayaa soo wacay Mooge, Hello, Lacagtii aan mobile-kaaga kusoo diray maanad siin Ninkii? Waan siiyay waanu iga tagay mar horeba, Ninka aad lacagta siisay ma garanaysaa,   Dee mooyi ma ninkii aad la hadlaysay ee aad lacagta usoo dirtay ayaad I waydiinaysaa cidu ahaa!!

Dhakafaar iyo midi-midi ku tag! Muran badan dabadii Ninkii lacagta soo diray ayaa yidhi “Waxaa imika la isoo hadlay Ninkii aan lacagta u dirayay, waxaanu igu yidhi lacagtii isoo dir, Markii aan su’aalay inaan lacagtii mar hore ugu soo diray lanbarkaagana wuxu yidhi “ Anigu hada ka horna kulama soo hadal, lacagna ima soo gaadhin.

Markaa lacagtii aan Mobile kaaga kusoo diray Ninkii aan ugu talo galay ma ay gaadhine iska soo Celi ninkan aad lacagta siisayna anuu garanba mayo. Mooge oo yaaban ayaa ku dhawaaqay  Lacag soo celiyaa, Ma ninkii aad wada hadlayseen ayad I leedahay anuu maba garanayn, lacag inaan ku soo celinayana haku riyoon! 

Talo ayaa faraha ka baxday Mooge waxa uu ku adkaystay inuu lacagtii siiyay ninkii, Ninkii lacagta soo dirayna waxa uu ku adkaystay in aanay lacagi gaadhin ninkii uu lacagta ugu talo galay. Nin walba quminihiisa ayaa qoorta u sudhan. Waaba yaabe hadaa yuu ahaa ninkan lacagta qaatay?

Ninkan lacagta ka dhex qaaday labadooduba waxa uu ahaa xariif magaalo, Si uu ku helayba  waxa uu helay xogta ninka lacagta loo soo dirayay iyo xogta ninka lacagta soo dirayay, waxa kale oo uu ogaaday wakhtiga lagu balamay soo dirista lacagta, wuxu soo xifdiyay lanbarka ninka lacagta soo diraya , waxaa kale oo uu maanka ku hayay in lacagta soo diristeedii wakhti kooban ka hadhsan yahay.

Raadcadii uu ugu jiray meel lacagta loogu soo dirona waxay  dul keentay Maskiinkii Mooge oo marfashkiisii yaraa dul fadhiya, Mooge isna waa kii dareen la’aanta ugu dhiibay Mobile-ka, xariifkiina farsamooyinkaas uu isku beegbeegay markii ay u shaqeeyeen waa kii lacagta suuqa la galay.
Jaba waa ka danbeeyee ninkii lacagta soo diray waxa uu la xidhiidhay Shirkada Telesom qaybteeda Adeega Zaad, shirkadiina waxay xanibtay lacagtii Mooge ugu jirtay Mobile-kiisa.

Maxayse tolaw lacagta uga xanibtay, Mooyi, Isagu ma kii lacagta soo diray buu ahaa mise kii wax farsameeyay , Somaliduse waxay hore ugu maahmaahday “Maskiinbaa misko la fuulo leh”.

Guntii iyo gabagabadii  Qaladkaasi yaa leh, Ma shirkada iyo Adeegeeda ZAAD, Ma sariflaha , Ma kii lacagta soo diray, Mise kii lacagta loo soo dirayay? Ma………….. Ma ………….?  Jawaabta akhristayaasha ayaan u dhaafayaa.

Hadiise shirkadU yeelato ubucda qaladkaasi, Ma ka garaabi doontaa, diyaarse ma u tahay inay saxdo dhaliilaha tiro dhaafay ee dul hoganaya Adeega ZAAD?

Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland


No comments:

Post a Comment