"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dawlada Djibouti ma sheegato Awdal Maxaa sobobay in Maamulka Puntland Sheegto Sool Iyo Sanaag?


Qaarada Afrika xuduudaheedu waa qaar ku dhisan mustacmarkii iyo Gumaysigii, waxaanu gumaystihii Qaybo u kala jaray  Beelo isku hayb ah, Isku diin ah, isku Af ah. waxaan  muran ku jirin  inuu somalida u kala jaray shan qaybood Qayb Ethiopia Raacsan,Qayb Kenya Raacsan, Jabuti, Somaliland, Somalia, Hadaba
kala qaybintaasi iyo xuduuudahaasi uu jeexay gumaystuhu waa kuwa  ay maanta Afrika ku dhisan tahay oo laga faaiiday baajiyayna Dagaalo sokeeye oo waari lahaa.

Fikir ahaan marka aynu maskaxda uga shaqaysiino si togan Hadii aanu isticmaarku kala xadayn Qaarada Afrika waxaa suurto gali lahayd in Afrika noqon lahayd qaarad holcaysa waxaana ka aloosnaan lahaa  dhamaanteed dagaalo sokeeye oo waara iyagoo isku qabsan lahaa xuduudaha,  xuduudo sugana lama heleen hadii aan isticmaarku xadayn ee Cidii roon ayuunbaa dhulka u hadhi lahayd waxaana dhici lahayd  in Beel walba ama Qabiil walba uu yeesho xuduudo uu isagu samaystay iskuna magacaabi lahaa wadan.

Hadii aan xuduudahaas Isticmaarku jiri lahayn iyana waxaa dhici lahayd in in la isku awood sheegto oo qabiil kastaaba uu duulo sidii uu u qabsan lahaa dhul aanu lahayn sidii somalida ka jirtay wakhtiyadii hore ee la is riixi jiray, taasi oo iyana ay ka dhalato in ay Bulsho ama Beelo laga baro bixiyo dhulkoodii halka ay Beelo la wareegaan dhul aanay lahayn, Waxaan uga socdaa Araartaasi Xuduudiihii Istacmarku waxay Faaiido wayn u yihiin Afrika waxaana muhiim ah in la raaco xuduudahaasi oo la ixtiraamo.

Ujeedada qoraalkayga hadii aan u dhaadhaco waxaan mar walba aragnaa in Maamulka Puntland ee u dhisan ku xumaynta Somaliland uu mar walba sheegto Gobolo ka mid ah Dawlada Somaliland iyagoo ugu marmarsoonaya waxaa dagta Beeshayada Hadii ay Beeshaadi Sool iyo Sanaag wax ka Dagto sidoo kale Beeshaadu waxay wax ka dagtaa Kililka Shanaad ee Ethiopia ee maxaad u sheegan wayday uguna soo dari wayday xayndaabka Puntland? Fikirkaaga iyo Ficilkaagu maaha in ay is buriyaan Markaa aad u dagaalamaysid Sool iyo Sanaag inaad wax ka dagto Dee Somali Galbeedna  u dagaalan iyadna ilayn waxbaa ka dagtaaye ? 

Waxan u arkaa Caqli xumo halkii ugu danbaysay iyo indho la’aan Hanka noocaas ahina waa mid khatar ku ah Afrika iyo Caalamka oo dhanba, Mida kale bal in la kala caqli wanaagsan yahay Djibouti waa Dawlad la jaar ah Somaliland , Hadii beel ahaan ay noqoto Beelaha Djibouti beelo ay isku isir yihin ayaa dega wax ka dega Somaliland, walina lagama maqal Gobolka Awdal  Beeshayada ayaa qayb ka degta Sidaas darted wuxu ka tirsan yahay Dawlada Djibouti, Djibouti waa wadan dhulkiisu yar yahay oo quwad leh una dagaalami kara in ay Xoraystaan Gobolka Salal si ay u noqdaan wadan wayn Balse waxay og yihiin in laga gar helayo mar walba waxaana taas ka horjooga Caqli wanaga aan  caadifada ku jirin sidoo kale waxay ogol yihiin Xuduudihi istacmarka oo ay ogyihiin Faaidada uu u leeyahay qaarada Afrika. Bal ka waran ninka reer Somaliland ee Hargeisa joogaa hadii uu yidhaahdo Reserve area waa dhul Somaliland ka tirsan ee kama tirsana Ethiopia, fikirka noocaas ahi ma hirgali karaa caalamkuna ma qaadan karaa?
Hadaba Halkaas waxaa inooga cad in Maamulka Puntland uu Gardaro cad iyo farogalin ku hayo Dawlada Somaliland sidaas darted maaha in laga aamuso ee waa in dawga la mariyo lana tuso Caalamka Gardarada iyo Sheegashada beenta ah ee puntland ee looga dan leeyahay ku xumaynta Somaliland iyo Ictiraafka ay baadigoobayso,  taasina maaha mid loo dulqadan kro waxaana ka dhalan kara midho aan loo aayin .Xukuumada Somaliland waa inay ka yeelato Go’aan cad sheegashada xaqdarada ah ee lagu sheeganayo dhulkeeda iyo Goboladeeda waana in ay caalamka tusto sida looga gardaran yahay ee loo carqaladaynayo mar walba.

Fuaad Abdillahi Hassan

Fuaad_phy@hotmail.com


No comments:

Post a Comment