"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Somalia miyaanay jirin Birimagaydo?

Waxaa jiri jiray imikadana ka jira meelo badan oo dhulka Somalida ah  Dad birimaygaydo ah oo aan loo quudhin dil iyo dhibaataynba, kooxaha loo aqoonsan yahay birmagaydada waxaa ka mid ah  waayeelka, Culimada, Dumarka,  iyo caruurta dhaqanka Somalidana kuma jirin in la beegsado ama la ugaadhsado ee waa la xurmayn jiray. Xataa
Wakhtiyadii ay Somalidu beelaha isku dili jireen lama taaban jirin.


Waxaase wax laga murugoodo ah in Somalia dadkii Birimagaydada  ahaa ee aan dilka loo quudhi jirin lagudhiiraday dilkooda iyo dhibaatayntoodaba. Dhacdooyinka murugada leh  laguna beegsaday Birimagaydada  ee ka dhacay Somalia isla markaana  xusuustayda kusoo noqnoqda oo aan  marnaba ka duugoobin  way badan yihiin, hadiise aan dhawr ka mid ah tusaale usoo qaato waxaa ka mid ah; 


1.      May,2013 waxaa si arxan daro ah loogu dilay Somalia gaar ahaan gobolada dhexe qoys ka koobnaa shan qof oo nabad ku seexday  iskuguna jiray Aabo, Hooyo iyo caruurtoodii, waxaa arin aad looga murugoodo ah in qoyskaasi loo dilay aano qabiil, Caruur yar yar oo aan qabiilkoodaba si sax ah u garanayn in qof aanay aqoonba u lahayn diluu gaystay  dartii loogu aaro loona qudh gooyo waa arin aan caqliga saliimka ah qaadan Karin oo axmaqnimo halkii u danbaysay ah.



2.      March, 2014 waxaa sideed oday dhaqameed  oo  qayb ka ahaa dhismaha  Maamulka koonfur Galbeed Somalia ee xaruntiisu tahay Baydhabo  lagu qudhgooyay Meel u dhaw Buurhakabo, oday dhaqameedkaas  waayeelka ahaa  oo kasoo kicitimay Baydhabo ayaa ku socday Shabeelada Hoose iyadoo lagala soo degay gaadhigii ay saarnaayeen, Isla markaana Kooxda dilka waxshinimada ah gaystayna aan la aqoonsan.




AHUN Muuqaalka Maydka odayaasha lagu laayay deegaanka Buurhakabo.



3.      March,2014 Qoys ka kooban Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay oo ay da’doodu ka hooysaysay sideed jir ayaa si arxan daro ah ah loogu dilay Somalia gaar ahaan Gobolada dhexe qoyskaasi birimagaydada ah ayaa waxaa loo dilay arimo la xidhidho aano qabiil. Odhaah Somaliyed ayaa tidhaa ‘DHASHEED CUNA’ Dhacdooyinka Somalia ka socda ee birimagaydada lagu beegsanayo isku eekaa.



4.       April,2014 Gabadh yar oo da’deeda lagu qiyasay afar jir ayaa waxaa si arxan daro ah u  jidh dilay Askari ka tirsan dawlada Somalia, Gabadhan yar oo agoon ah ayaa habeen ku seexatay furaashkii Askariga jidh dilka u gaystay  kadibna way  ku kaadiday furaashka, askarigu waxa uu  si cadaawad ah  ilmihii yaraa ula dhacay xadhig kooraan, Mudo kadibna waxaa kusoo booday xanuun dhakhtar loo dhigay oo uu sobobay jidh dilkaasi.

                   Alle ha caafiyo Muuqaalka Gabadha yar ee uu askarigu jidh dilka u gaystay.


Guntii iyo gabagabdii Somalia waxaa la xalaashaday Dhiiga shacabka oo ay mudo ku hirdameeyaan walina ku  hirdamayaan kooxo iskasoo horjeeda oo kala afkaar duwan, waxaana ku hoos baaba’ay shacabka masaaakiinta, Iyadoo Mudooyinkii danbena Birimagaydadii lagala xishoon jiray dilka lagu dhiiraday dilkooda iyo dhibaatayntooda isla markaana damiirkii damqanayay uu sii yaraanayo. Waxaan  Kooxaha  Somalia ku hirdamaya ee kala afkaarta duwan  usoo jeedinayaa in Maatida iyo Birimagaydada la dhawro si gaar ahna loo ilaaliyo oo masuuliyad la iska saaro, isla markaana nabada iyo horumarka laga wada shaqeeyo.



Fuaad Abdillah Hassan

Qalinmaal.blogspot.com

Fuaad-phy@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment