"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Garnaqsi Gobolnimodoonka Gabiley gar mise gardaro? Q1AAD.

Warbixin kooban Deegaanka Gabiley

Mudane Madaxweyne, Golayaasha Sharci dajinta,

 Deegaanka gabiley  waa degmo darajadeedu tahay (A) marka loo eego nidaamka qiimaynta degmooyinka Somliland, Gabiley waa degmada kali ah ee  la darajo ah  caasimadaha  lixda gobol ee rasmiga,  waxaad ka war qabtaan dhaqaale ahaan in deegaanku yahay  goobaha ilaha dhaqaalaha Somaliland, dhul ahaan baaxada deegaanka waxaa lagu qiyaasaa  4,300 km2 ,
Mala’awaalka tirakoobyadu waxay qiyaasayan inay deegaanka ku nool yihiin tiro dad ah oo dhan 200,000, Dad badnida deegaanka waxay keentay in lagu loolamo, laguna xisaabtamo xiliyada doorashooyinka iyadoo lagu harawsado halka ay u nugul yihiin oo ah GOBALNIMO. Mudane Madaxweyne aan ka xasuusiyo wakhtigi doorashada  waxaad ku olalayn jirtay in aad aqoonsiga Gobolnimada Gabiley kaalin wayn ka qaadan  doontaan balse markii aad kursiga fuushay Shacabkii Reer Gabiley ee kuugu codeeyay  Rajada Gobolnimadooda wali waa kaa dhursugayaan.


Deegaanka Gabiley waa deegaan caan ku ah wax soo saarka beeraha waxaa lagu qiyaasaa inay ku yaalaan 27,000 beer roobaad ah iyo 3,500 beer waraab ah, %66 wax soo saarka Gobolada Galbeedka Somaliland waxaa laga soo saaraa  deegaanka Gabiley ay maamusho, Deegaanku sido kale waa xoolo dhaqato waxaana badanaa lagu dhaqaa Lo'da iyo adhiga, waa teel teel geeluna.
Deegaanka Gabiley waxa uu caan ku yahay  waxbarashada, waxaa wax kusoo bartay aqoonyahano gayiga Somaliyeed caan ka noqday, Halka ay dhalinyartii wakhtiyadii danbe Deegaanka Gabiley wax kusoo bartay laftoodu aad uga muuqdaan Goobaha shaqooyinka Somaliland, Deegaanka waxaa ku yaal Jaamacad, sideetameeyo  Iskuul Sare/dhexe, ardayda wax ka barata  waxa ay ku dhaw yihiin 20,000 arday.

Deegaanka waxa kaso mudhay ama dhalasho ahaan kaso jeeday/jeeda dad labeen baal dahab ah ku leh bogaga taariikhda, Isla markaa magacoodu xuduudaha Somaliyeed ka gudbay waxaa ka mid AHUN Abwaan C. Suldaan Timacade,Ganacsade Jaamac Oomaar, Ganacsade X. Axmed Daahir cumar Baxsane, AHUN Ganacsade Ibrahim Cabdi Kaahin (Ibrahim dheere),  AHUN Ganacsade Maxamed Cabdilahi Kaahin (Xoogsade), Prof. Axmed Ismacil Samatar, Abdi Ismacil Samatar, MO Farah iyo Qaar kale oo badan.

 Gabiley oo gobol noqotaa waxay ahayd rajada ugu wayn ee reer gabiley mudo nus qarni ku dhaw,  walise laguma guulaysan, loomana ansixin Gobolnimo buuxda, Hadaba  Reer gabiley ma iyagaa gar daran oo doonaya gobolnimo aanay u qalmin mise iyagaa gar leh oo waa la duudsiyayy xuquuqdaasi? Deegaanka Gabiley ma u qalmaa Gobolnimo mise waa sadbursiimo ay rabaan?


Mudane Madaxweyne, Golayasha Baarlamaanka, Reer Gabiley gar ayay u leeyihiin inay helan Gobolnimo buuxda marka loo eego Sharci ahaan,dhaqaale ahaan, Dad ahaan, Dhul ahaan iyo istaraajiyad ahaanba,  Deegaanku waxa uu buuxiyay shuruudihii Gobolnimo sida ay Somaliland u buuxisay shuruudihii dawladnimo. Waxaa laga yaabaa inaad is waydiinaysaan sida dhibta yar ee aan uga falceliyay su’aalaha sare in Gabiley Gobol u qalanto, Balse Garnaqsigayga iyo doodaha aan cuskanayo waxaan si faahfaahsan ugu falaynqayn doonaa qormooyinka danbe ee garnaqsigan.

Lasoco Qaybta 2aad

Fuaad Abdillahi Hassan
fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment