"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Garnaqsi Gobolnimodoonka Gabiley gar mise gardaro? Q2AAD

Ku: Madaxweynaha/ Baarlamaanka JSL

Ujeedo : Garnaqsi Gobolnimo-doonka  Gabiley gar mise gardaro?Q2AAD

 Dastuurka Somaliland Shuruudaha Gobolnimo. Gabiley ma buuxisay shuruudahaas?

12/07//2007 waxa uu madaxweyne Riyaale dhaqan galiyay xeer lan 23/2007 Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland isagoo tixraacaya ansixintii baarlamaanka xeerkan oo ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen 44 mudane,
Xeerkan lr 23/2007 ee baarlamaanku u codeeyay , Madaxweyne Riyaale na uu ansixiyay, qodobkiisa sadexaad waxa uu si waafi u sheegayaa Shuruudaha  degmo Gobol ugu dalici karto oo ah sidan

            1. Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
            2. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
            3. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.
            4. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa in
            ay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan.


Gabiley ma buuxisay shuruudahaas?

Jawaabtu dabcan waa HAA, aan mid mid u dul istaago afartaa shurudood  iyo sida ay Gabiley u buuxisay afartaba,

1.      Baaxada dhulka ay ku fadhidaa waa dhul weyn waxaa lagu  qiyaasaa 4,300km2 Deegaanka waxaa hoos yimaada Magaalooyin iyo Degmooyin waawayn oo wax soo saarka iyo Ganacsiga Somaliland door laxaad ka qaata waxaana ka mid ah   Gabiley,Agabar, Arabsio, Allaybaday, Geed balaadh IWM.
Dad badan baa ku dooda baaxada Deegaanka Gabiley way yar tahay  sidaas darted Gobol ma noqon karo, Jawaabtu waxay tahay Dadkaasi ma ogyihiin in Deegaanka Gabiley uu baaxad ahaan la siman yahay ama ku dhaw yahay wadano la aqoosan yahay waliba kuwooda dhaqaalaha buuran sida Brunei,  Trinand tobacco isla markaana uu  ka baaxad balaadhan yahay 30 wadan oo la aqoonsan yahay kana mid yihiin Bahrain, Dominica, Singapore, Luxemberg, Comoros.

2.      Miisaanka baaxada dadka ku nool waa midka keenay in deegaanka lagu loolamo xiliyada doorashada sida aan hore u sheegay qiyaasta dadka ku nool waxaa lagu mala-awaalaa 200,000 kana badan karto maadaama aan la hayn tirakoob sax ah, Deegaanku waxa uu ka dad badan yahay Gobolo Somaliland ah la ansixiyay Qodobkan isagoo faahfaahsan qaybaha danbe ayaan  kusoo bandhigi doonaa .

3.      Deegaanku waxa uu kaalinta koowaad kaga jiraa wax soo saarka Somaliland , Sida ay qireen Hay’adaha Caalamiga ah beeruhu, waxaanay u aqoonsan yihiin deegankaa kali ah ee Somaliland lagu tilmaami karo beeralay isla markaana ku ahboon xooladhaqashada. Deegaanka sidaan horeba u sheegay waxaa ku yaalaa beero lagu qiyaaso 27,000 beer biyood ah iyo 3,500 beer waraab ah, dalagyada ka baxa waxa ka mid ah (Hadhuudh, Galay,Digir, Heed, Basal, Cambe, Tamaandho, Liin macaan, Liin dhanaan, Saytuun IWM)

4.      Deegaanka gabiley wuxu gaadhay gabi ahaanba isku filnaansho  adeegyada bulshada halka dawlada dhexena uu uga soo xaroodo qayb libaaxa miisaaniyada dalka, waxaana uu kaalmaha hore kaga jiraa deegaanada dakhliga dawladu kasoo xaroodo.

Sida kor ku cad Deegaanku waxa uu buuxiyay shuruudaha Gobolnimo, Sida Somaliland u buuxisay shuruudaha Dawladnimo, Inaanse wali Gobol loo aqoosan waxaa loo aanayn karaa hogaan xumo dawladihii iskaga danbeeyay Somaliland oo ku dhiiran waayay, Waxaa la is waydiin karaa hadiiba aanay Somaliland hogaankeedu ku dhiiran karin in Gabiley Gobol u aqoonsadaan sidee Beesha Caalamku ugu dhiiran kartaa inay Somaliland Aqoonsato, Waxaa jirta odhaah tidhaa Cadaaladu waxay ka bilaabantaa Gurigaaga! Cadaalada Reer Somaliland ay beesha Caalamka ka sugayaan mid la mid ah ayay reer Gabiley ka dhur sugayaan Somaliland.

Lasoco Qabyta Sadexaad 

Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa,, Somaliland



No comments:

Post a Comment