"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Col hortii Jabay!


''Somaliland ayaa shir degdeg ah iskugu yeedhay, golaha wasiirada markii ay ciidanka Puntland weerarka lama filaanka ah kusoo qaadeen laascaanood, Waxaan xasuustaa wasiirrada qaarkood sakati ayaa ka muuqday. Maxamed Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirka Ganacsiga ayaa ku qayliyey “Wallaahi Afguduud wuxuu inoo dhaafayaa ilaa lowyocaddo. Taas ayaan aad uga baqayaa”. Cadho ayaan is hayn kari waayay. Aniga oo u jawaabaya Maxamed Xaashi ayaan idhi
bal waxaad nagula hadlayso eeg “Alarmist” ayaad tahay. Ma inankan yar ee Putland ka yimid ee aanu ognahay tamarteeda iyo taagteeda ayaa noo dhaafi kara ilaa iyo Lowyocaddo?” Maxamed Xaashi ayaa mar kale ku qayliyey “Madaxweyne, Wasiir Cawil wuu I caayay. Wuxuu igu sheegay “Alarmist”. Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa ku yidhi “Maxamed Alarmist cay ma aha, ee waa “buun-buuniye”

Dhacdadan dhex martay masuuliyiinta qaranka usoo shaqeeyay oo aan kasoo xigtay Buuga Raadraaca taariikh Soomaaliyeed ee uu qoray Amb. Hussein Ali Ducaale, waxaa dib ii xasuusiyay maalmahan waxaan arkayay marka ciidanka Somaliland iyo wuwa Puntland dagaal dhex maro, Dhalinyar iyo waayeel reer Somaliland ah oo ciidan jabiye ah, kuna calaacalayay Ciidanka Puntland Burco ayay inoogu imanayaan, Hargeisa ayay usoo dhaafayaan, Borama ayay uga sii gudbayaan.Waxaan u kala garan waayay inay xukuumada mucaaridayaan, oo qaranimadii iyo Mucaaridadii iskaga walaaqantay, in Xanuun hayo, inay Puntland basaasiin u yihiin, In waa halkii Islaantii Cigaal Shiidaade ay col hortii jabeen iyo waa halka Cawil ee inay Alarmist yihiin.

Waxaan xusuusinayaa qolooyinkaas in Geesiyaasha Ciidanka Qaranka Somaliland ka tiro iyo tayo badan yahay Maleeshiyada ururiska ah ee Cabdiwali Gaas oo tayadooda iyo tamartoodaba la og yahay.Ciidanka Somaliland waxay awoodaan inay Garowe ku qabsadaan maalmo kooban balse Madaxweynaha amar ugama haystaan, waxaanu dhawr jeer u balanqaaday Shacabka Garowe inaanay xukuumadiisa marnaba qorshaha ugu jirin in la qixiyo shacabkaas, waxaa cadayn kuugu filan Ciidanku labadii jeer ee dagaalku dhacay waxay gaadheen Godqaboobe oo Garowe u dhaw lakin waxay dib ugu soo noqdeen Aagoodii Tukaraq.

Xukuumad iyo Shacab hala garab istaago Ciidanka Qaranka Somaliland, ha loogu roonaado taakulo,Dhiirigalin iyo bogaadin, hala joojiyo ciidanka reeraha loo qaybinayo. Guul iyo gobanimo ciidanka Qaranka Somaliland. waxan kuso afmeerayaa mid ka mid ah heesaha bogaadinta ciidanka ee uu qaado Nuur Daalacay.

''Gaadhhayaha dalkaw
Geesi dhiiranaw
Geeshkii aan hurdada
ku gam'aynayaw
Sumuc iyo Gantaal
Gumuc iyo rasaas
Geesigaan ka laabanee
Gaadada u dhigoow''


Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment