Maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa gacanta ku hayay magaalada Laascaanood iyagoo ku gabanayay reernimo, wakhtiga uu maamulkaasi ka hawl galayay, wax horumar ah kama uu hir galin magaalada iyo deegaanka ku xeeran, cashuurta laga qaado shacabka waxaa loo rari jiray Garowe, magaaladu waxay lahayd muuqaal tuulo aanay jirin
adeegyada asaasiga ahi, Xarumo caafimaad ma shaqaynayn, amni kama jirin magaalada, xarumo hay’adeed kama furnayn, Ciidamada Puntland waxay ku tacadiyi jireen dadka shacabka ,waxa kufsi iyo tacadi lagula kici jiray dumarka reer Laascanod, dilkuna aad bu u badnaa, wakhtigaas oo ahaa mid ceeryaamo madaw ay hadhaysay Laascanod waxay ahayd magaalo dulman, magaalado mugdi iyo mustaqbal la’aani ku xeersan tahay, magaalo lagu duleeyay reernimo iyo inagaa isku reer hebel ah.
AHUN Abwaankii cabqariga ahaa Mohamed Hashi Dhamac Gaariye mar uu ka hadlayay in reernimada iyo qabiilka ay ka wanaagsan tahay rafiiqnimada iyo cidaad is fahmi kartaan, iskuna dhaqanka tihiin ayaa waxaa uu yidhi
‘’Abku doono ha sheegtee
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dad ninkaan af aqaane
Si wax iila arkaayee
Na midayso ujeedo’’
Reer laascaanood markii reernimadii loogu soo gabanayay gunimo dhashay, Odayaasha iyo siyaasiyinta Deegaanku waxay miciin bideen Reer Somaliland oo ay dhaqan wadaag, oodwadaag, iyo abtinimo bidayeen, waxaanay goosteen inay la shaqeeyaan Ciidanka Somaliland. Dagaal sanado socday kadib Oct-2007 ayaa Ciidanka Somaliland oo kaashanaya dadka deegaanku gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood, Shacabku aad ayay usoo dhaweeyeen Ciidanka Somaliland oo aad u akhlaaq wanaagsan, dhaqana aan u lahayn inay dhibaateeyaan dadka ay la joogaan, halka ay dadka tabarta daran taakuleeyaan, shacabkana ula macaamila si wanaagsan oo saraaxad leh, Dhaqankaasi oo ah mid aan looga baran Ciidamada Soomaalida.
Lix bilood ka hor laascaanoodii aan joogay iyo midiii ay Puntland reernimada ku gumaynaysay waxay isku jiraan cirka iyo dhulka, Laascaanod Somaliland ka hawl gashaa waa waa magaalo camiran oo ay dad badan ku nool yihiin, waa magaalo dhan kasta u fiday, waxaa ku yaal guryo bilicsan oo inta badan dhagax ka samaysan,Guryuhu waxay iskugu jiraan kuwa dabaqyo isa saran ah iyo kuwa gaagaaban oo sifiican loo nashqadeeyay, magaalada waxaa ku yaal hudheelo heer sare ah oo iskugu jira kuwo cunto iyo kuwo hurdo, sida Hamdi Hotel,Mubarik Hotel, Al-Nour Hotel, Warsame Hotel, Aran252 Restaurent, iyo Power horse restuarent IWM, Is gaadhsiinta, Internetkuna waa mid aad u sareeya oo mar kasta la heli karo, Laydhku waa midka ugu jaban Somaliland oo dhan.
Magaaladu waxa ay leedahay xarumo waxbarasho kala duwan oo isugu jira qaar dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, waxaana ka mid ah Gollis University, Jaamacadda Nugaal, Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, Dugsiga sare ee Nugaal, Dugsiga sare ee ilay IWM. Magaalda waxaa ku badan maktabado buugaag lagu camiray oo tiraba dhawr buug aan kasoo iibsaday wakhigii aan joogay shan bilood ka hor. laamiyada magaalada waxaa si koox koox ah u socda arday kala duwan oo ku gaadhan dirays kala duwan,kuna daaban Shandado, buugaag iyo qalimaan, oo marka aad u fiirsato aad arki karto mustaqbalka ifaya ee ay hiigsanayaan dhalinta laascaanood rag iyo dumarba.
Magaalada waxaa mara wadada wayn ee isku xidha Somaliland iyo Somalia, waxaa maalin kasta kala goosha wadadaasi baabuur tiro badan, gudaha magaalada labadii sakadoodba waxaa dhex marta laamiyo laga hirgaliyay intii Somaliland gacanta ku haysay, xaafadaha magaalda waxaa loo kala raacaa gaadhiga yare ee loo yaqaan Bajaajta oo aad ugu badan.
Somaliland waxay dhawaan ka hirgalisay dhakhtarkii ugu waynaa ee laga dhiso gudaha Somaliland oo lacag dhawr million oo doolar ahi ku baxday, sidoo kale waxaa dhismihiisu socdaa Iskuul hooy ah ( Boarding ) oo lacag xadi badan ay xukumadu ku bixisay, waxaa sidoo kale laga hirgaliyay garoomo casri ah, waxaa xarumaha hooyada iyio dhalaanka laga hirgaliyay badiba tuulooyina laascanod hoos yimaada oo ay kooxo caafimaad ka hawl galaan, Somaliland inta ay cashuur kasoo qaado Laascaanod uma soo rarto Hargeisa, balse taas caksigeeda cashuuta gobolad kale laga soo guro ayaa looga qoondeeyay kab 2% oo lagu horumariyo baahiyaha deegaanka, halka miisaaniyadana mashraacii horuamrineed loog qoondeeyo. Magaalada waxaa si joogto ah uga hawl gala Hay’ada dawli ah, kuwo maxali ah, iyo kuwa caalami ah, waxaa jira Gole deegaan oo dadku doortay, waxaa kale oo baarlamaanka ku matala xildhibaano ay dadku soo doorteen, Shacabka reer Laascanood waxaa ka muuqda bisayl siyaasadeed oo kobcaya.
Magaalada nabad galyadeedu waa mid aad u xoogan, qofku wuxu socon karaa xiliguu doono habeen iyo dharaarba, wuxu mari kara meeshuu doono,waa magaalo xoriyada iyo nabad galyada buuxda taalo, waa magaalo ka nabad galyo badan kana horumar badan Garowe iyo Bosaso oo maalin kasta qof shirqool lagu dilo, kooxaha argagixasaduna ka hawl galaan.
Laascaanood mudadii aan joogay waxaa iiga baxay shacabkaasi ilbaxnimo, hiigsi, horumar doon iyo inaanay marna diyaar u ahayn in magaaladooda quruxda badan laga abuuro nabad galyo daro, isla markaana aan diyaar u ahayn inay ku noqdaan xabsigii Puntland ee reer nimada looguso gabanayay. Karaahiyada, nacabyaka iyo cabsida ay dhalinyarta, haweenka iyo waayeelka deegaankaasi u hayaan Maamulka Puntland waxaa dareemi kara qof la kulmay oo xog waraystay.
Guntii iyo gabo gabadii akhristayaasha ayaan u dhaafayaa Shacabka Laascaanood midka uu ku badhaadhay Somaliland iyo Puntland.Saynisyahankii Albert Enstein ayaa wuxu yidhi ‘’Insanity is doing the same thing over and over again and expecting different results’’ oo macnaheedu noqonayo ‘’Waxaa waali ah in aad hal ficil ku cel celiso, ka dibna aad natiijo kuwii horre ka bedelan rajayso’’ waxaan uga socdaa reer Laascaanood reernimo danbe lagu gumayn maayo, Puntland kama filayaan waxay hore ugu samaysay wax ka duwan sidaas darteed Puntland haka waantawdo inay ku celceliso filim gubtay oo hore u fashilmay.
Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment