"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dal bilaa bad ahi (Landlocked) ma yeelan karaa Ciidanka badda (Navy)? Ciidanka Badda Ethiopia halkee saldhigiisu noqon doonaa?


Mudooyinkii danbe waxaa soo noqnonayay in dalka Ethiopia qorshaynayo siduu u abuuri lahaa Ciidan Badda (Navy), waxaa ugu danbeeyay Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr. Aby Ahmed oo 01,June,2018 sheegay inay mustaqbalka qorshaha ugu jirto abuurida Ciidan Baddeed quwad leh. Hadalka Raysal wasaaraha waxaa
sii xoojinaya jiritaanka Machadka tobobarka Badda Ethiopia oo tiro shan boqol ku dhaw sanadkii ka qalinjabiso. Dad badan ayaa is waydiinayaa sida dal aan bad lahayn u yeelan karo ciidanka Baddeed iyo halka uu ciidanka bada Ethiopia ka hawl gali karo ama saldhigoodu (Navy base )noqon doono!
Dalalka quwadaha aduunku qaarkood waxay saldhigyo milatary bari iyo bad ku leeyihiin meelo ka baxsan dalalkooda (Foreign country) si ay danahooda u ilaashadaan, sidoo kale Ma aha arin ugub ah in dal xidhan (Landlocked) uu yeelan karo ama leeyahay Ciidan baddeed, Aduunka waxaa ka jira 44 dal oo gaadhi waayay biyaha badda (Landlocked) waxaa Ciidan baddeed ama biyood leh 15 ka mid ah waxaanay kala yihiin 1. Rwanda 2. Uganda 3. Burundi 4. Paraguay 5. Central African Republic 6. Paraguay 7. Mongolia 8. Hungary 9. Azerbaijan 10. Bolivia 12. Laos 13. Switzerland 14. Uzbekistan 15. Turkmenistan

Ciidamada dalalka kor ku xusan badankoodu waxay ka hawl galaan Wabiyada (Rivers) iyo Harooyinka (Lakes) dalalkooda ku yaala, waxaa jira ama jiri kara dano qarsoon oo dalalka qaar ay ka leeyihiin inay yeeshaan Ciidan bad balse sobobaha ama baahiyaha ugu badan ee dal aan bad lahayn uu yeelan karo Ciidan baddded ama biyood waxaa ka mid ah;
1. Marka dal Soohdimihisa Wabi ama Harooyin kaga gudban yihiin dalalka kale ee ay xuduud wadaaga yihiin, Dalkaasi wuxuu u baahdaa inuu helo ciidan difaac ku gaashaaman qalabyada kala duwan ee ciidan baddeedka si uu sugo difaaca xuduudihiisa, danihiisana uga ilaashado.
2. Hadii isku socodka dalka gudihiisa ay adag tahay isla markaana aanay jirin wadooyin fududaynaya isku socodka, waxaa la abuuri karaa Ciidan biyood ama badeed mushaaxaya Wabiyada ama harooyinka si ay gobolada ugu kala gudbaan uguna fududaato kaalin ka ciyaarida xaadaha dalka iyo u gargaarida bulshada.
Hadii aan ku noqdo dulucdka qoraalka oo ah Ciidanka badda Ethiopia (Imperial Ethiopian Navy) oo dhawaanahan dad badan ku baraarugeen, waa ciidan mar hore jiray waxaana la asaasay 1950-kii, saldhigoodu waxa u ahaa Masawa 1955-1990-kii, wuxu ka koobnaa ciidan kumanaan ah iyo 26 markab. Ciidan baddeedkii Ethiopia waxa ay waayeen xaruntoodii, waxaanay ka go’een dawladoodii markii ay Masawa la wareegeen ururkii Xoraynta Eretria (EPLF) iyadoo maraakiibtii qaarna uu quusiyay ururkaasi. Ciidankii Badda Ethiopia oo noqday haad geed waayay! intii ka hadhay waxay kala bixidii Eretria iyo Ethiopia kasii danbeeyeen lix sano oo ay magan galyo ka heleen dalalkan shisheeye Djibouti, Yemen iyo Saudi-Arabia. Djibouti oo ugu danbaysay waxay dalkeeda ka saartay markii ay bixin waayeen lacagtii kirada, halka aakhirkiina si rasmi ah loo baabiiyay 1996-kii, Maraakiibtii badh waxaa iibsatay Eritrea, baaqigiina Iskaraab ahaan ayaa loo isticmaalay!
Ciidankaas badda Ethiopia oo 1996-kii noqday HAAD GEED WAAYAY! waxaa la iswaydiin karaa ujeedada ay hada dib ugu baahatay Ethiopia! waxaase masaladaas sii furfuri doonaa ogaansha dalka saldhigoodu ahaan doono, oo sadexdan la saadaalin karo;
1. Djbitoui oo hore u marti galisay Ciidankii Badda Ethiopa 1993kii-1996-kii , xidhiidh ganacsi oo xoogana ka dhexeeyo, isla markaana 29, April,2018 ay ku heshiiyeen isdhaafsiga saamiyo ganacsi ay labada dal wadaagi doonaan, dakadna ku jirto. Waxa la saadaalin karaa inay heshiis laba geesood ah ay Ciidanka Bada Ethiopia kaga hawl gali doonaan Djibouti.
2. Dekada Berbera, Somaliland oo 01,March,2018 Ethiopia laga siiyay saami 19% oo ay ku mutaysteen inay dhisi doonaan wado isku xidhaysa Wajaale iyo Berbera (Berbera Corridor), ayaa suurto gal ay tahay inay heshiis kale usoo bandhigaan Somaliland si ay Berbera uga samaysaan saldhigi Ciidan bad (Navy base).
3. In looga samayn doono saldhig dalka gudihisa ah, Isla markaana ay ciidamadaasi hawl gali doonaan harooyinka iyo Wabiyada Ethiopia, ujeedada ay ka leeyihiina tahay isku socodka, Sugida amniga iyo Fududaynta hawlaha dawlada.
Hadii qorshaha Ethiopia ee Ciidanka baddu yahay inuu heshiis kusoo dego dal shisheye sida Berbera Somaliland, Djibouti ama dal kaleba, Ujeedada abuuritaanka ciidankaasi waxay xidhiidh la leedahay danaha Ethiopia ee Wabiga Nile oo ay Masar isku maandhaafsan yihiin iyo Danaha Ethiopia ee Bada cas, Khaliijka iyo Suweys kanalka. Ethiopia Ciidan baddeedka ay abuuri doonto inay ka hawl galaan dal kale waxaa ku xeernaan doona shakiyo iyo caqabado balse shakigaas iyo caqabadahaas in la maareeyaa waxay ku xidhnaan doontaa Sugnaanshaha, xaliibnaanshaha, Is-fahanka iyo cad-cadaanta heshiisyada laba geesoodka ah.
Fuaad Abdillah Hassan
www.Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland


No comments:

Post a Comment