"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii M.X.I Cigaal AHUN. Q7AAD

 .
Somaliland oo buuxisay shuruudihii dawlanidnimo, caalamku kama garaabin inay aqoonsadan, AHUN M.X.I Cigaal waxa uu fariin garnaqsi ah u diray Qaramada midoobay, isagoo kaga hadlay sida ay beesha caalamku uga gaabisay, ee aanay uga garaabin qaranimada Somaliland, Fariintaas oo dheerayd waxaa ku jiray hadalkan xikmada badan ku duugan tahay
“Hadii Mujtamaca Caalamku (UN) ku dhisan yahay Charter Dadka Dulman u naxariista iyo wax wada qabsasho, waxaanu u taaganahay, Xuquuqda aanu charterka ku leenahay”.
Hay’adaha gargaarka oo ku kaca musuq maasuq iyo wax is daba marina mashaariicda ay fulinayaan isagoo ka hadlaya sida ay tahay inay ula macaamilaan dawlada Somaliland iyo dadkeedaba, Isla markaana ogolaadaan la xisaabtan iyo in la tilmaamo, waxa uu dhawaaq dheer ugu sheegay “Dadkani dawlad buu leeyahay inay dalka ka shaqeeyaan oo baahidiisa wax ka qabtaan, oo iyaga loo tilmaamo, oo wixii la inoogu soo dhiibay, oo ay sheegan, taas ayaanu wadnaa wey is diidsanayaan, intay is diidsiin karaan, mase ka hadhayno”
M.X.I Cigaal kama uu gaban jirin inuu si cad uga hadlo hadba arimaha taagan, Falalka qaranimada Somaliland meel ka dhaca ku ahna ma ogolaan jirin, Mar u si adag ula hadlay Hay’adaha caalamiga ah sida ay u wada macaamili karaan wuxu yidhi “ Ama Nairobi ayaad nagu sugaysaan ama waad nala shaqaynaysiin, maxaa yeelay halkan soo dhawayn uma hayno cidii aan wax nala qabanayn”
Dalka Somaliland oo wufuud badan kusoo qulqulayeen tan iyo markii ay madaxbaanideeda lasoo noqotay, isla markaana ay ka hawl galaan Hay’ado badan oo caalami ah iyagoo qaarkood kuso gabanaya arimaha binu aadamnimo balse wato dano gaar ahaaneed, dhaqalaaha yar ee ay bixiyaana mararka qaar ku bahdila sharafta iyo dawladnimada, M.X.I Cigaal uma uu bogin habdhaqankaas hay’adaha iyo Wufuuda Caalamiga ah ula macaamilaan Somaliland isagoo ka dareemay inay qaranimada hoos u dhigayaan, sida darted isagoo dareensiinaya in uu meel adag ka taagan yahay qadiyada Somaliland waxa uu si cad ugu sheegay sidan “Anaga Somaliland ayaa nala yidhaa ninka noo imanaya ee casuumadayada aqbalayaa wuxuu ku imanaya isagoo ictiraafsan inaanu Somaliland nahay”
M.X.I Cigaal waxa uu ahaa khaqsi mufakir ah oo aragti dheer, jecelna horumar iyo in wax la tabcado, iyadoo la is hoos dhigayn dawlada shisheeye, Somalidu waxay hore tidhi Biyo sacadaabada lagaga dhargaaye, Cigaal mar uu ka hadlay dabinada Dawladaha shisheeye ay u qooleen wadamada soo koraya waxa uu yidhi “Maanta waxaa jira Gumaysi cusub oo lagu badalay kii hore, oo ku salaysan in dadka ama dalalka soo koraya, la dhacsiiyo in aanay gaalada la’aantood waxba qabsan Karin oo meelahaas iska fadhiyaan, si rodolka bariiska ah uun loo siiyo, taasi waxba kama jiraan, waxna waynu qabsan karnaa” Waxaanu tusaale usoo qaatay taariikhda wadanka Jaban iyo wadadii ay horumarka ku gaadheen oo ay ka mid ahayd inay ka fogaadeen faragalin iyo ku tiirsanaan reer galbeed…… LASOCO Q8AAD.
Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment