"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Aragtidayda baadhista BAADI-GOOB ee doorashadii 2017, waxaan kusoo koobayaa todoba qodob;


1. Dhacdooyinka la xidhiidha kaadhadh codbixin oo cid aan lahayn ama aan ku haboonayn ku codaysay (Qaar dhintay, Qaar dhoofay, Caruur aan qaangaadhin IWM), Muraaqibiin la handaday, Shaqaale la handaday, Shaqaale komishanka badhkood oon la tobabarin, Arimahasi
badankoodu waa dhacdooyin la wadaago oon xisbi ku koobnayn,Waana Maamul xumo iyo farsamo xumo ka timid Komishanka Doorashooyinka oo inta badan ay masuuliyadooda ahayd, loomana nisbayn karo qorshe Xisbi ku hawl galayay oo uu ku najaxay isagoo kaashanaya Komishanka iyo Dawlada. Xisbiyada kama madhnayn xeelado doonis cod badnaan, wado kasta oo ay u mari karaana way u marayeen inti ololuhu socday iyo maalintii doorashadaba, heer ay gaadheen in kaadhadhka dadka laga iibsado kadibna la gubo si aan loogu codayn. Waxaaba muuqanaysay in Xisbiga WADANI ka abaabulnaa KULMIYE. Xeeladahaa kala duwanaa oo dhaqaale bixin iyo Farsamooyin kaleba leh qaarkoodna qalad ahaayeen,Hadana xisbi walba dhankiisa ayuu ka ciyaaray, Ninba ceesaantii ceel keen! Komishankuna waa ka gaabiyay doorkiisii anshaxmarin iyo dabagal ee arimahaasi.
2. Arinta la xidhiidha in la Baajiyay Barnamijkii IRIS oo sugi lahaa xaliibnaanta doorashada,waa dhaliil iyo diyaar garaw la'aan dul hoganaysa Komishanka, waxaase iyana aan la dafiri karin in Xisbiyada iyo Komishanku ay ku wada socdeen. Barnaamijka IRIS ee bu'da isha la sawirayo wuxu u baahnaa diyaar garaw badan, dhaqaale badan, In la kordhiiyo Qalabka si loo fududeeyo socodka shaqada, madaama ku codaynta IRIS uu wakhti badan qaadanayo ugu yaraan qofkuna ku codayn karo 10 Minute halkaas oo ay ku lumi lahayd inaan dad badan fursad u helin codaynta.
3. Goobjoogayaasha maxaliga in si aan haboonayn loo qoray ama shaqaalaysiiyay, waa arin guud oo xisbiyada wada saamaynaysa , loona fasiran Karin inuu xisbi ku faa’iiday. Madaxda SONSAF in Mushariixii KULMIYE ay isku hayb yihiin arin gar ah maaha, Dadkuna cirka kamay soo dhicine waa isku wada hayb, waana wada walaalo, Ilma abti, habrowadaag, IWM. Dhexdhexaadnimada qofka in la eego ayaa ka muhiimsan in qof haybtiisa looga fogeeyaa shaqadiisa, waxaase gar ah, hubsiimana u baahan in xubno ka mid ah Xubnaha ugu sareeya SONSAF ay kaalin wayn ku lahayeen Xisbiga KULMIYE.
4. Isku xidhnaanshaha Kooxo xisbiga KULMIYE ah iyo Goob joogayaashu caalamiga ah oo ah waxa loo yaqaan danaha is diidan, In laga foojignaado ayaa wacnayd, komishanka Doorashooyinkuna qaato kaalin dabagal kooxaha doorashada lugta kuleh, si kalsoonida loo dhawro. Hadiibase ay dhacday Micheal walls oo aqoonyahan iyo cilmi baadhe arimaha Somalida ah, ma Xisbi buu la jiray oo doorashadii ayay ka been abuureen oo wixii dhacay wax ka duwan ayay sheegeen? Marna ma ay dafirin inay khaladaad jireen,Khaladaadka ay sheegeen waxaa ka mid ahaa kuwa barnaamijka lagu soo bandhigay, waxayse sheegeen oo kale in wanaagu ka badnaa khaladaadka oo u ogolaaday inay ugu yeedhaan doorasho xor iyo xalaal ah (Free and fair election). Arinta khaladaadka doorashooyinku waxay ka dhacdan Aduunka oo dhan Maraykan oo ah dalalka aduunka ugu horumarsan ayaa doorashadoodii D. Trump lagu doortay loo nisbaynayaa inuu Ruush Gacan ka geystay.
5. Shirkad Al Gurair oo qaabilsanayd daabacada waraaqaha codaynta (Ballot papers) iyo xidhiidh ka dhexeeyay KULMIYE ama kulano ay yeesheen doorashada ka hor waa arin ugub ah,Isla markaana xasaasi ah, in si qotodheer loosii baadhaana ay haboon tahay, waxaanay iyada lafteedu u muuqan kartaa dano is diidan (Conflict of interest). Mase jiraan buugaag la daabacay oo xisbi gaar ah la siiyay? Hal buug ayaa maalmihii doorashada la xaqiijiyay inu ka baxay Gacanta Komishanka, Isla markaana ay ka danbeeyeen Xisbiga WADANI, kuwa cusub ee hada wariyuhu soo bandhigay waa arin ugub ah,In ay komishanka ka baxeen waa suurto gal, In la sameeyay doorashadii kadibna lama sharaysan karo, kol hadii nashqada iyo nambarka taxanaha la helay iyadoo Shaanbada komishanka samaynteeduna fududahay.
6. Wariyuhu wuu ku amaanan yahay inuu baadhis badan sameeyay, soona bandhigay barnaamij ka duwan kuwa inta badan ay diyaariyaan wariyaayaasha somalidu, waxaase ka muuqanaya Barnaamijka bilawgiisa ilaa dhamaadka inuu dhinac la safan yahay, Inta uu soo waraystay dhinacbay u badnaayeen, Isla markaana xaaraantinimaynta doorashada uu isagu go'aaminayay,Guud ahaan barnaamijku waa hal dhinac waxaana inaga maqan dhinacii kale oo inoo ogolaan lahaa inaynu sawirano muuqaal guud dhacdooyinka qaarkood.
7. Doorashadii dalka ka dhacday Ma WADANI baa guulaystay oo waa lagaga shubtay sida wariyuhu kusoo celcelinayo mise KULMIYE ayaa guulastay? Danbi iga raaci maayo hadaan idhaa Doorashadu khaladaad way lahayd, Sida aaduunka oo dhan ka dhacda, balse doorashooyinkii hore ugu qabsoomay Somaliland way ka khaladaad yarayd, Kuwa so socda in la sii hufo oo dhaliilaha la saxaa waa muhiim, Waxaase aan la dafiri Karin in Xisbiga KULMIYE uu ku guulaystay codad aad u badan, waxa inoo xaqiijinaya Xulafooyinka, Gobolada, Degmooyinka, tuulooyinka xisbi kastaa watay iyadoo aan la dafiri karin in lagu codeeyay hab qabiil, beelahana la garanayo sida ay u kala dagaan Somaliland, Xataa la og yahay tirada Goobaha doorasho (Polling station) oo reer walba ka codaynayay, muuqaal iyo qiyaasna laga haysto beel walba iyo codkeeda, Isla markaana Inta aan hayb ku codayn ay yarayd dhan walba Saamayn ay natiijada doorashada ku badali lahaayeena jirin.
Fuaad Abdillahi Hasan
Hargeisa, Somaliland



No comments:

Post a Comment