Ingiriisku
waxa uu dhulka Somaliland soo degay 1884-kii dano uu ka lahaa darteed, waxaanu
kusoo dagay heshiis ay ku jireen Shuruudo adag, oo uu la galay Odayaasha Shan
beeloood oo u badnaa kuwii xeebaha deganaa. Mudo kadib waxaa curtay Halgankii
hubaysnaa ee Daraawiishta oo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan hogaaminayay dagaalna
kala hor yimid Ingiriis, waxaase la jabiyay 1920-kii. Ingiriis dalka waxa
uu
sii joogay 40 sano oo danbe.
Hadii
Daraawiish oo bilawgii halganka amaanteeda leh, Ingiriis dagaalo la gashay,
kana dishay ciidan uu ku jiro Kornayl Richard Corfield balse la jabiyay
1920-kii yaa ka midho dhaliyay ama keenay xornimada Somaliland? Taariikhda
Qaybtaasi oo mudo 40 sano ah waxaa la aasay markii ay Somaliland iyo Somaia
midoobeen, waxaana si qayblaadaysan loo buunbuuniyay taariikhdii Daraawiishta
iyo xisbigii SYL oo Somali Italiano ka dhisnaa, Iyadoo la qariyay halganadii
keenay Xornimada Somaliland, Guushana dhaliyay. Somali meel kastoo ay joogto
waxaa laga dhaadhiciyay been lagu celceliyay oo ah in Daraawiish iyo SYL
xornimada dhaliyeen.
Taariikhduse
qarin mayso! Halganka Daraawiishta waxaa ka danbeeyay xornimadoonkii aqoonta ku
gashanaa ee Farah Oomaar iyo halgankii hubaysnaa ee Sh. Bashiir, balse iyagna
kuma ay guulaysan inay Ingiriis dalka ka xoreeyaan.
Waxaa
ku xigay halgankii xornimo doonka Xisbiyadii oo uu hormuud u ahaa, uguna awood
badnaa xisbigi SNL (SOMALI NATIONAL LEAGUE) oo Hargeisa laga asaasay 1945-kii,
Kadib waxaa xisbii NUF (NATIONAL UNITED FRONT) isna 1955-kii lagu aasaasay
magaalada Hargeisa. USP oo ahaa xisbigi ugu da’ yaraa waxaa 1959-kii lagaga
dhawaaqay magaalada Laascaanood. 30-April-1960kii ayaa wefti uu hogaaminayo
Mohamed X. Ibrahim Cigaal, oo ka koobnaa Cali Garad Jamac, Axmed Xaaji Ducaale,
Xaaji Ibrahim Nuur ay u ambabaxeen London, waxaanu M. H. Ibrahim Cigaal nasiib
u helay inuu gacantisa ku saxeexo Madaxbanaanidii Somaliland.
Halgankaa
siyaasiga ahaa ee Xisbiyada oo uu hormuud u ahaa Xisbigii SNL, waxaa barbar
socday mid sugaaneed oo ay hogaaminayeen Abwaano ay ka mid ahaayeen Cabdilahi
Suldan Timacade, Xaaji Adem Af-qalooc Barkhad cas (Balaayo cas), Xussen Aw
faarah, Cabdilahi Cabdi Shube,Cali Sugulle (Dun carbeed),Maxamed Saxardiid
jabiye IQB, Waxaa iyagana ku ladhnaa kooxdii Walalaha Hargeisa oo ay ka mid
ahaayeen Mohamed Ahmed Kuluc, Cabdilahi Qarshe, Maxamed Cusman Gacanlaw,
Guduudo carwo, Rashiid bullo IQB oo soo bandhigi jiray fan xorimodoon ah.
Halganka u danbeeyay ee ay hor socdeen abwaaniinta, fanaaniinta iyo Xisbigiyadu
waa midka guusha keenay balse taariikhdiisa la aasay.
Midhihii
halganaankaas dhinacyda badnaa ee lagu guulaystay Munaasibad loogu dabaal dagay
ayaa ka la iskugu yimid halka uu hada ku yaal Masaajidka Ibrahim Dheere,
waxaana 26,June,1960-kii si rasmi ah loo dajiyay Calankii Ingiriiska lana
sudhay calanka buluuga ah ee hada Somalia haysato, Abwaan Cabdilahi Suldan
Timacade na uu ka tiriyay Maansadii Caanka baxday ee KANA SIIB KANA SAAR.
Habeenimadii 26 June waxa uu Sir douglas badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland
soo gaadhsiiyay shacabka Somaliland fariin hambalyo ah oo uga timid Boqoradii
Ingiriiska Elizabeth II.
Waxaan
kusoo gagabaynayaa Hambalyo aan u dirayo dhamaan shacabka Somaliland,sanad
guurada 58aad ee 26-June ilahay ha u naxariisto intii xornimada usoo halgantay,
inti noolna ilaahay caafimad iyo cirmi dherer ha siiyo, mar kale iyo inagoo
aduunka la inaga aqoonsan yahay ilahay ha inagu simo.
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment