Siyaad
Bare tag, Ilaahay baanay xisaabtiisu hor taal, wuxuse Somalia uga tagay
miinooyin aasan oo eelkeedii Soomaali kala irdheeyay, mar kastana dib u qarxa,
waxaa ka mid ah Miinooyinkaasi sidii uu reerkiisa ugu taxay Gobolo iyo
Degmooyin badan oo aan ku dhisnayn cadaalad, waa mida keentay
in Somalidu ka
shakido Gobolo iyo degmooyin wax lagu qaybsado, dibna loogu guuray qabyaalad,
iyadoo miciin la biday wax la yidhaa 4.5 ama afar beelood iyo badh.
Madaxweynaha Somalida Ethiopia Abdi Mohamoud Omar gabood fal
iyo dhibaato kasta ha gaystee, isna wuu tagi mar uun, balse waxaa uu ka tagayaa
Miinooyin uu ku aasay deegaanka Soomaalida, mar walbana dib u qarxi doona,
hadaan la sixin, gaar ahaan Raysal wasaare Aby Ahmed oo ka siyaasad duwan
hogaanadii hore ee Ethiopia soo maray.
Waxaa ka mid ah miinooyinkaasi, Deegaanka Somalida oo ka koobnaa
50 degmo (Woreda) waxa uu gaadhsiiyay 93-degmo, waxaanu 2-Gobol iyo 34-Degmo si
aad u foolxun oo cadaalada ka baxsan ugu kordhiyay, kuna taxay reerkiisa.
Degmooyinka uu ku maamuusay reerkiisa xarumahoodu waa tuulooyin cidlo ah oo aan
buuxin Karin shuruudaha degmo, waxayse dhaleen Gudoomiyayaal badan oo reeraha
kale lagu xukumo iyo baarlamaan badan oo reerkiisa ah, waxa uu doonona ugu
sheekeeyo sida dhacday maalmo ka hor, mar uu ka hor qirtay danbiyadiisii
cafisna ka dalbaday. waxa kale oo uu ka faa'iiday in reeraha kale quwad jabaan,
miisaankooda siyaasadeedna la daciifiyay.
Ta badalkeeda deegaano badan oo u qalmayay inay
degmooyin ama gobolo helaan waa uu uga dhaartay, tusaale fiican waxaynu usoo
qaadan karnaa Labadan Magaalo ganacsi ee Wajaale Ethiopia iyo Harta-Sheekh oo
ka mid ah 10 ka Magaalo ee ugu waawayn Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia,
dhaqaale badana ugasoo xaroodo Ethiopia iyo maamulka Somalidaba.
Harta-sheekh oo ahayd Xarun ganacsi, degmo la siiyo
daayee kobacii ka socday dartii ayaa loo baabiiyay, bulshadii ku nagaa iyo ganacsatadiina
laga soo tarxiilay, taasise waxay u kordhisay mooyaane waxba kama dhimin,
waabay kusii najaxday uun! waxaa kale oo baabiinteedii laga faaiiday magaalo
kale oo kasii koboc badan waa dakada qalalan ee Wajaale. Magaalooyinkaasi oo ah
kuwa ugu mudnaa inay helaan degmonimo ama gobolnimo miduun, Abdi Mohamoud Omar
waa uu uga dhaartay, xuquuqdoodiina reernimo waxaan ahayn oo ay ku waayeen
garan maayo! kuwii u dhashayna u dooni waaye xuquuqdaasi ay garta u lahaayeen.
''Nimaan kaba dareen qabin
Inuu dayn ka maqan yahay
ayaan doono lagu karin'' AHUN. Gaariye.
Waxaase aad u layaab badan ku dhiirashada Madaxda
Daarood horayso iyo danbaysaba inay si laga xishoodo degmooyin iyo gobolo aan
cadaalad ku dhisnayn ugu taxaan beeshooda, iyadoo aanay taariikhdu xusin hal
masuul oo reeraha kale Somaliyeed ah oo sidaas oo kale ugu dhiiraday! Tolaw ma
geesinimo iyo xarfaanimo ay reeraha kale dheer yihiinbaa? Mise waa habayacnimo
kuwa reeraha kale ? Mise........? Bal adba!
No comments:
Post a Comment