"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

maan guracan iyo garasho jaan!

Oct-2004 waxaa afti kala doorasho laga qaaday 12 Degmo oo Somali iyo Oromo ku wada noolaayeen, Somalidii degmooyinkaasi ku noolaa waxay doorashadoodu u badnayd inay ku biiraan Maamulka Oromada, Cadaalad daro ay ka tirsanayeen maamulka Somalilada darteed, ku biiristii kililka oromada kadib waxay qaateen Jinsiyad iyo abtirsimo Oromo, haatana ma jecla dhagahoodu maqalka Somalinimo!
Jidkaas waxaa haya degmooyin badan oo Somalida Ethiopia ah, waxaa ugu danbeeyay degmooyinka
Raaso, Gashamo, Guradamole, Ayesha, shinile, Gorobebakse, oo shalay iyo maanta mudaharaado ka dhaceen ayna isku waajaheen Liyu boolis iyo Shacabka oo calanka Oromada ka taagay deegaanada qaarkood iyagoo ka cabanayaa degmooyin uu si cadaalad daro ah u magacaabay madaxweynaha maamulka Somalida Ethiopa,
Cabdi Iley degmooyinka maamulka Somalida Ethiopia oo ahaa 53 degmo (woreda) waxa uu gaadhsiiyay 192 Degmo oo aad uga badan kuwa Amxaarada oo ah 105 kuna nool yihiin 20 milyan oo qof. 139-ka Degmo ee uu soo kordhiyay Cabdi Iley ma jirto nidaam dawladnimo oo loo maray sida Isku filnaansho dhaqaale, baaxada dhulka, tirada Dadka ku nool, Shurudahaas degmonimo waxaa kala waynaaday inuu tixgaliyo xeerka tolnimo ee tol waa tolane! Isgoo reerkiisa u miisay degmooyin ka badan kuwa Amxaarada, halka reerihii kale badhna uu qadiyay, qaarna cad quudheed ay feenanayaan.
Waa maan guracan iyo garasho jaan! Waa cadaalad daro iyo maamulxomo, waxaa qalinka iyo garashada Cabdi Iley degmonimo ku helay deegaano aan qabaleenimo (Kebele) buuxin karin, waxaa degmonimo ku helay deegaano omos ah oo aan dhaqaale kasoo xaroon, waxaa degmonimo raadinaya degmooyin gobolo u qalmayay, waxaa saami siyaasadeed iyo dhaqaaleba siman Degmo 5000km2 ku fadhida oo ay ku nool ku nool yihiin 300,000 qof iyo degmo baaxada dhulka ay ku fadhidaa tahay 500Km2 ayna ku nool yihiin 10,000 oo qof , kabkeedana laga soo jaro mida ay ku nool yihiin 300,000 qof. Hadaba ibtilo waa tanee iyaga yaa u garnaqa?
Xalka iyo sidaan u arko.
1. In haldoorka Somalida Ethiopia ay ka qayb galaan shirka Dire-dawa ka qabsoomi doona ee ay hormuudka u yihiin Barbaarta iyo Dulmidiidku

2. In ay beelaha Somalidu u heshiiyaan, meelna uga soo wada jeedsadaan ,sidii ay hogaanka uga tuuri lahayeen Cabdi iIley hogaankiisa macangaga iyo cadaald darada isku darsaday.

3. In beelaha Somaliyeed ee cadaalad darada ka cabanayaa ay garnaqsi u gudbiyaan Raysale Wasaare Aby Ahmed.

4. In la laalo degmooyinka iyo gobolada cusub dhamaantood dibna loogu guuro 53 Degmo ee hore, kadibna qiimayn kadib la siiyo deegaanada Degmo ama gobolo u qalma, iyadoo la tixgalinayo Baaxada dhulka, tirada Dadka iyo dhaqaalaha.

5. In Somalida deegaanku u midoobaan in la baabiiyo Ciidamada Liyuu boolis oo dadka lagu dhibaateeyo warbixino ka dhan ahna ay soo saareen Hay'ada xuquuqul insaanka iyo Aqalka Odayaasha maraynkanku.


www.qalinmaal.blogspot.com

No comments:

Post a Comment