"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Shirka Gacan-libaax ma mid guud ahaan Garxajis meel kastoo uu dago ahbaa, Mise ...?


Shirkaasi hadii uu yahay mid guud ahaan deegaanada beesha oo dhan looga arinsanayo, waxaan kula talin laha in ay muhiimada labaad ka dhigtaan arimaha Somaliland, Beeshu Somaliland dhibaato u gaar ah kuma qabto, waa beel miisaan ku leh, Kuna lahayd intii Somaliland jirtayba, Dawlada Somaliland oo curdin ah dhaqaalaheeduna kooban yahay, waa mid furfuran una dhago nugul dhamaan shacabkeeda, balse waxaan ku baraarujin lahaa
inay xooga saaraan Deegaanada DDSI ee Beeshu dagto gaar ahaan qodobadan;
1) Sidii Beeshu uga hawl gali lahayd inay Gobol ku yeelato deegaanka Ethiopia, loona midayn lahaa Deegaanada Beesha oo loo firdhiyay qaab qaybi oo xukun ah (Divide and rule) isla markaana qayba Degmo la raaciyay, sida Danood, Daroor, Gaashamo, Aware, Marsin si loo xukumo loona qariyo miisaankooda.
2) In beeshu Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia ay ka hesho saamigii ay xaqa ugu lahayd ee Siyaasadeed, iyadoo beesha laga qadiyay intii deegaanku jiray inay ka hesho saami u dhigma deegaanadooda.
3) Sidii beeshu ay ciidan ugu yeelan lahayd ciidamada liyu police oo dhibaato culus ku haya isla markaana laba sano ka hor xasuuq ba'an ka gaystay deegaamada Jaamac dubad.
4) Sidii ay deeganada beeshu qaybtooda ugu heli lahaayeen adeegyada horumarinta, caafimaadka, waxbarashada ee baryahan ka curtay deegaanka Somalida Ethiopia.
5) Inay beeshu kasoo horjeedsato xasuuqa iyo dhibaatada uu Cabdi Maxamud Cumar ku hayo Shacabka Somalida Ethiopia, Isla markaana ay qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqyada xilka looga qaadayo Dhagarqabe Cabdi Cumar ee ay hormuudka ka yihiin Salaadiinta, Shacabka iyo aqoonyahanka deegaanku.
Guul baan u rajaynaya Shirkaasi oo haldoor badan iskugu tagay, waxaan rajaynayaa inaanay ka aamusin arimaha khuseeya beesha ee deegaanka Somalida Ethiopia.
''Nimaan kaba dareen qabin 
inuu dayn ka maqan yahay
ayaan doono lagu karin'' AHUN Gaariye.




No comments:

Post a Comment