"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

CADAALAD DOONAW, CADAALAD DIID HA NOQON!

Ka waran mid reer Hargeisa ahi hadii uu yidhaa shaqaalaha dawlada gobolada Togdheer,Awdal, Sool, Sanaag, Sahil waa inaan ku yeelano saami ka badan ka bulshada deegaanka ? Ka waran hadii uu sidaas cadaalad u arko? Ka waran cadaalada aad doonaysaa hadii ay cid dulminayso? waxaa la mid ah tabashada iyo saami doonka reeraha Somaliland. Tabashada reeraha Somaliland kama duulayaso Xilalka sare ee qaranka, oo si wanagsan ayay u qaybsan yihiin, waxaase loo ham iyo dig leeyahay in shaqaalaha qaranka reer Hargeisa laga qadiyo, kuwa goboladana aan loogu tagin. Ka waran
Cadaalada la doonayaaba hadii ay tahay reer Hargeisa deegaankoodana shaqeele kama heli karaan, ama waanu kaga badsanaynaa gobolada kalena cidi noogu iman mayso! KAYGA LIHI, KAAGANA LIHI!
Nin oday ah oo aan garasho ku tuhmayay ayaa wakhtiyadi ololaha doorashada aan wada sheekaysanay wuxuu igu yidhi hadii Muuse Biixi madaxweyne noqdo waa inuu HABAR AWAL shaqaalaha dawlada dibada ka dhigo, kuwa reeraha kalena kasoo buuxiyo, wuxuu cadalad u arkayay in kumaan shaqaale ah oo qaranka 27 sanadood laso halgamay, xili ay qaarna jabhaydaynayeen ay xuquuqdooda shaqaalenimo ku waayaan Muuse Biixi ayay isku reer yihiin, fikirkaas waxaa la aaminsan qolooyin badan oo wali dabada haya!
Burburka Dawlada Somalida darteed ayaa looga faaiidaystay in dadka reer Mugadisho oo lagu qiyaaso 2 million oo qof dawladnimona u haraadan, laga qadiyo inay saami ku yeeshaan Wakiilada Qaranka, Macnaha KAYGA LIHI, KAAGANA LIHI, Dadka tiradaas leeg waxay Saamigoodii ku waayeen iyadoo loogu soo gabanayo waxaad tihiin caasimadii, saw maan guracan iyo garasho jaan maaha!, Saw wax laga muraaradilaaco iyo Binu aadamnimo liidata maaha?
Hargeisa se ma noqon doontaa Mugadisho? oo saw Hargeisa iyo deegaanada ku xeeranba hore umay noqon Mugadisho oo kale kol hadii saamigii Baarlamaanka oo ay xaq u lahaaayeen 35%-40 lagu soo koobay 24% oo xildhibaankiiba kuso baxaya 10,000 gobolada kalen kusoo baxayo 1,000 cod waxaase fajac iyo amakaag leh in kuwii loo sadburiyay ee loo tanaasulay ay wali cabanayaan.
AHUN Mohamed X. I Cigaal ayaa yidhi '' Maalin walba waxaan qaranka ka laaluushaa mid aanan ka xigin'' arintaasi waa xaqiiq, qolooyinbaa wali laaluushkii rajaynaya balse Somaliland laaluush meel gaadhsiin maayo , 4Million oo qof laaluush laguma hayn karo, lagumana qancin karo, waxaase Somaliland la iskugu hayn karaa dawladnimo, cadaalad, Iskaashi bulsho, Kuwa Sadbursiimo doonka ah oo qori faraaro leh la iskaga qabto, Kuwa tabashadooda la garawsan karo oo oo qalin iyo waraaq soo qaata lana xisaabtama dawladooda, Isla markaana dawladu u dhago nuglaato, waxaase qof walba oo garasho iyo caqli leh saadaalin kara inaan qori caaradii SEDBIRSIIMO iyo BAAD midna lagu heli karin.
Walaalnimo ninkii diley haduu cabasho dayn waayo
Xaajooyin duugaabay Oo daalay baa imane'
Waa lay damqayaaye In aan furo madoonaynee
Aan deg-dego daryeel Ii samee dheri dab aan saaro
I dalici hadana aan ku dilo Dabina kuu qoolo
Idaadihi aan gaax-darartey Dihini kuu maalo
Cadaawahana meeshaada Dagan daawo kula qaado
Waa laba dal oo kala fog Oon Daw isu lahayne!
Tuducan waxaa tiriyay AHUN M.X. Cigaal.

No comments:

Post a Comment