"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

SOMALILAND LA WADA LEEYAHAY!

Reerka GARXAJIS waxay maamulaan afar wasaaradood oo ay ku jiraan Wasaaradaha maaliyada iyo caafimaadka oo ah labada wasaaradood ee ugu mac wasaaradaha qaranka, waxaa u raaca Gudoomiyihii Baanka oo ah halka lacagta qaranku taalo, waxay leeyihiin 3 wasir ku xigeen, waxay leeyihiin 8 Agaasime. waxay leeyihiin Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka oo ah 22 xildhibaan oo aanay reeraha kale haysan iyo Xildhibaano gole deegaan oo ah 57 xildhibaan. Waxaa kale oo ay xildhibaanada badan ku darsadeen inay
12 sano haysteen gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland 2005-2017, Sadexda xisbi qaran laba iyagaa Gudoomiyeyaal ka ah!
Garxajis waxay leeyihiin Taliyaha ciidanka RRU, waxaa kale oo kasoo jeeda Taliyaha Laanta Socdaalka, waxay haystaan gudoomiyaha Hay’ada Mujaahidinta SOOYAAL, Waxa kasoo jeeda maamulaha Madaarka, waxay leeyihiin laba badhasaab, waxay shaqaale badan ku leeyihiin hay’adaha dawlada Gobolada Maroodijeex,Togdheer, Sanaag,Sahil, Dawlada hoose Hargeisa cidi kuma taraxdo, waxa 27 sano kooto ugu xidhan mashaariic badan oo uu ka mid yahay Soo saarida Taarikada gawaadhida Somaliland,Waxaa ina Afdiile kooto loogu xidhay qaadka, waxaa tiyaatarkii 50 Sano kooto loogu xidhay Ganacsae Cumar Caydiid, waxaa kooto ugu xidhan mashruuc hebel iyo mashruuc hebel. Mashrucii abid ugu waynaa waa wada Ceerigaabo, waxaa biyihii Geed deeble loo xawilayaa in la gadhsiiyo degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Gacanlibaax, Mashruuca beeraha Xaaxi, mashruuca biyo xidheenada Salaxley iyo Oodweyne.
Iyadoo arimahas xaqiiqo yihiin, hadii aan been badan oo kalena ku badhxo ka waran? Ka waran Hadaan idhaa xildhibaanada badan ee aanay reeraha kale haysan, waxaa ugu fududeeyay Gudoomiyihii komishanka qaranka Ciise Xamari oo reerkaas kasoo jeeday ? KA WARAN hadaan BUR WALBA BAHAL KA DAYO ? KA WARAN wax walba oo togan hadaan si taban u dhigo? KA WARAN anigoo dano gaar ah leh hadii aan sidaa guracan intaa iyo in ka badan usoo taxo, kadibna aan idhaa Somaliland lama wada laha ee waa GARXAJIS-LAND? KA WARAN hadaan barbar dhigo dawladihi Siyaad Bare iyo Ina Iley ee ay reeraha Daarood 90% xilalkii sare ee dawlada qaateen? Kadibna in badan oo reerkayaga ah oo sidayda dano gaar ah leh, kuwo caqli hooseeya,caruur, Salaadiin aan waxna qorin waxna akhriyin iyo qurbajoog aan xogogaal ahayn oo aan Somaliland intay jirtayba arag rumaystaan kadibna iga daba qaataan, meel walbana lasoo istaagaan wadankii waxba kuma hayno ee HAL REER BAA ISKU KOOBAY 90% xilalkii sare ee qaranka!
KA WARAN mid TALIYE ah oo reerkayagi ah hadii arintaas ka cadhoodo oo uu yidhaa waan soo jabhadaynayaa kol hadii wadankii GARXAJIS isku koobay, laba taliye oo ciidanka ahna kasoo jeedaan ? Isagoo ka duulaya arimahas aan sida taban usoo bandhigay, oo aan awalba anuu dana gaarka ah ka lahaa! Sidaas waxaa ka dhigan tabashada iyo cabashada reeraha Somaliland, oo inta badan aan xaqiiqo iyo tirooyin (Facts and figures) ku salaysnayn, balse ku salaysan maan guracan iyo garaasho jaan!
Somaliland dawladnimadeeda ayay wax ka khaldan yihiin oo u baahan in la horumariyo oo la kocbiyo iyo In xeerar iyo siyaasado qaran lagu shaqeeyo. Somaliland oo aan ictiraaf helin kolba meel ayay taagnayd, kolba waxbaa u kordhayay, waxaa jirtay mar ay Gobolka Maroodijeex oo kali ah ka hawl gali jirtay, waxaana jira wali meelo badan oo aanay ka hawl galin, waxaa jira gobolo wali la kabo oo cashuurta Hargeisa iyo meelo kale laga qaado loo xawilo, Somaliland miisaaniyadeeda ayaaba dhan $350 Milyan oo badankeeda mushahar lagu bixiyo, mana wada gaadhi karto dalkoo dhan deegaan walbase waxbaa laga gaadhsiiyaa, balse ma jiro reer si gaar ah balaayiin dolar oo aan qarankaba soo galin loogu tuulo, ma jiraan reero si gaar ah ugu dulman, beel loo heshiiyay in la qadiyo iyo beel si gaar ah ugu badhaadhay.
Reer waliba isaga deegaankiisa maamula, reer walba qaranka SAAMI iyo XILAL SARE oo ku dhaw qiyaastiisa waa ku leeyahay, mana jiro reer 10% in ka badan saamigiisii haysta xilalka sare ee qaranka,Ma jiro reer saamigii xilalka sare 10% ka badan ka maqan yihiin, balse way jiraan in meelahaa Hoose qaarkood saamiga qalooc ku jiro, sobobo macquul ah dartood, waxaa kale oo jira in reeraha xayndaabka qaranka wali ka maqan saamigooda woxogaa ka maqan yihiin.
Marka xanuunka la helo ayaa dawada la raadiyaa inta Sobobaha la iska indho tirayo xal lama heli karo! Somaliland waxay u baahan tahay maamul daadajin, si qof kastaa halka uu joogo uga hawl gali karo, Intase Hay'adaha qaranka loogu shaqaynayo $100 inanka/inanta reer Ceerigaabo waxay ka doorbidi doonaan inay Ceerigaabo qoyskooda iskala joogaan, fursadaasna waxaa heli doona Inanka/inanta reer Hargeisa ee ay Wasaarada jaarka yihiin taasi waa sobob ka mid ah dheeliga shaqalaha ee la mala awaalo.

No comments:

Post a Comment