"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Reer Gabiley ma iyagaa gar darán, oo doonaya gobolnimo aanay u qalmin, mise iyagaa gar leh oo waxa la duudsiyayy xuquuqdoodii?

''Xildhibaanada guurtida iyo baarlamaanka ee Gobolada bariga Somaliland waxa kali ah oo ay ka midaysan yihiin inaan deegaanka Gabiley gobolnimo loo ansixin, lurka ay nagu haysaana waa in Beesha Habar-Awal heli doonto xildhibaano kuwayaga ka badan, Sadex gobol oo xajmi dhaqaaleh iyo dadba lehna ay ugu bataan (Majority)'' Sidaas waxaa yidhi nin oday ah oo aanu doodnay mudo ka hor.
12/07//2007 waxa uu madaxweyne D.Riyaale dhaqan galiyay xeer
lan23/2007 XEERKA ISMAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA JSL, isagoo tixraacaya ansixintii baarlamaanka oo cod gacan taag ah ku ansixiyeen 44 mudane. Xeer lr23/2007 ee baarlamaanku ansixiyeen, Madaxweyne Riyaale uu dhaqan galiyay, qodobkiisa 3aad waxa uu si waafi u sheegayaa Shuruudaha (Criteria) degmo ugu dalici karto Gobol oo ah sidan;
1. Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
3. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah ee ay leedahay.
4. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa in ay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan.

Gabiley ma buuxisay afartaas shuruudood? Mise waxay doonanayaan waxaanay gar u lahayn? Waxaan mid mid u dul istaagi afartaa shurudood iyo sida deegaanka Gabiley u buuxiyay afartaba,
1. BAAXADA DHULKA: Dhulka uu ku fadhiyo deegaanka Gabiley waa 4,300km2 , Dad badan baa ku dooda baaxada Deegaanka Gabiley way yar tahay sidaas darted Gobol ma noqon karo! Dadkaasi waxay moogyihiin in Deegaanka Gabiley uu baaxad ahaan la siman yahay ama ku dhaw yahay dalal la aqoonsan yahay sida Brunei, Trinand tobacco, isla markaana uu ka baaxad balaadhan yahay 30 dal oo la aqoonsan yahay kana mid yihiin Bahrain, Dominica, Singapore, Luxemberg, Comoros.
2. BAAXADA DADKA: Inkastoo aan tirakoob sax ah lahayn, miisaanka baaxada dadka ku nool waa midka keenay in lagu loolamo xiliyada doorashada, Doorashooyinkii kala danbeeyay waxaa ka codeeyay (eligible & accessible voters ) tirada u dhaxaysa 56,000 ilaa 85,000 qof. Dalalka africa ee ay Somaliland ku xaaladaha dhawdahay waxaa la qiyaasaa in doorashooyinka ay codeeyaan 25% bulshada dalku, Hadii qaacidadaas ka duulno waxaa la qiyaasi karaa in deegaanka Gabiley ay ugu yaraan ku nool yihiin 300,000 qof.
3. WAX SOO SAAR IYO KHAYRAAD: Deegaanku waxa uu kaalinta koowaad kaga jiraa wax soo saarka Somaliland , Sida ay qireen Hay’adaha Caalamiga ah beeruhu, wax soo saarka Somaliland 60% waxay kasoo baxaan deegaanka Gabiley, waxaanay hay’adaha caalamiga ahí u aqoonsan yihiin deegankaa kali ah ee Somaliland ugu haboon falashada (fertile), tirada beeraha diiwaan gashan waa 27,000 beer biyood ah iyo 3,500 beer waraab ah, dalagyada ka baxa waxa ka mid ah Hadhuudh, Galay,Digir, Heed, Basal, Cambe, Tamaandho, Liin macaan, Liin dhanaan, Saytuun IWM. Sidoo kale deegaanku waa xoolo dhaqato gaar ahaan Lo’da iyo adhiga.
4. ISKU FILNAANSHO IYO HANASHADA ARIMAHA BULSHADA: Deegaanka gabiley waxay mudatay mudo dheer ka hor darajada (A) marka loo eego nidaamka qiimaynta degmooyinka Somliland, taasi oo ka dhigan inay tahay degmada kali ah ee la darajo ah caasimadaha lixda gobol ee rasmiga. Deegaanka waxaa yaal ku Laba Jaamacadood, sideetameeyo Iskuul Sare/dhexe, ardayda wax ka barata waxa lagu qiyaasaa 30,000 arday. Deegaanka adeegyada bulshada badankoodu way ka jiraan sida caafimaadka, horumarinta, nabadgelyada gudaha, xanaanada xoolaha, biyaha, laydhka , ilaalinta deegaanka IWM. Dadka deegaanku waa cashuur bixiyaal dawladnimo jecel laga soo bilaabo 1993-kii, dawlada dhexe waxa uga soo xarooda qayb libaax miisaaniyada dalka, , halka lixda gobol ee la aqoonsan yahay qaarkood dawlada dhexe kabto.
Sida cadceeda ayay u muuqataa in Deegaanka Gabiley uu buuxiyay shuruudaha Gobolnimo, Sida ay Somaliland u buuxisay shuruudaha Dawladnimo, Inaanse wali Gobolnimo loo ansixin kama tagsana munaafaqada, xinka iyo xaasidka reernimo ee ninkaas aan qoraalka xagiisa sare ku sheegay ku dooday.
Waxaa jirta odhaah tidhaa Cadaaladu waxay ka bilaabantaa Gurigaaga! cadaalada Reer Somaliland ay beesha Caalamka ka sugayaan mid la mid ah ayay reer Gabiley ka dhur sugayaan Dawlada Somaliland. Garawshiyo noqon mayso in Gabiley xuquuqdeeda ku waydo madaxweynaha ayaa kasoo jeeda, Garawshiyo noqon mayso Gabiley xuquuqdeeda inay ku waydo xin iyo raali galin reero! Garawshiyo noqon mayso in anxisinta Gobolnimada gabiley la daba jiido Goboladii yaryaraa lana yidhaa Goboladaas wuxuunbay wada qabi oo amba waa la wada ansixin ama waa la wada laali! waxaase gar ah in gobol walba sharciga la mariyo deegaankii shuruudaha degsan buuxiya loo ansixiyo gobolnimo, Somaliland waa inay ka gudubto xiligii xeer jajabka, shuruucdana mudnaanta la siiyo.
Guntii iyo gagabadii waan ku hambalyaynayaa in reer Gabiley diidaan Lambarada Gawaadhidooda (Plate no) lagu diiwaan galiyo Gobolka Maroodijeex, waxaanan ku dhiirigalinayaa in talaabooyin kale salmi ah xuquuqdoodana ku dalbanayaan qaadaan.

No comments:

Post a Comment