"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

OGADEN NATIONAL LIBERATION FRONT (ONLF)

‘Waxaan ahay nin GADABUURSI ah, oo kasoo qaxay FAYAANBIIRO, waxaase haybtayda lagu diiwaangaliyay OGAADEEN, La iima ogola inaan si xor ah u sheegto nasabkayga, oo waxaan ku qasbanahay inaan OGAADEEN ku sidkanaado, si aan raashinka la iiga jarin’ Sidaas waxaa yidhi Oday Daahir Cali Colhaye isagoo 1982-kii ku sugan Xeradii Qaxootiga AGABAR, In Cali nasabiidasa la dhalan-rogo mid kalena lagu qasbo waxaa ka shaqaysay Dawladii Siyaad Bare.
2019 bilawgiisii tirakoobka KENYA tijaabadiisii markii la gudagalay waxaa la ogaaday in Diiwaanka (Form) tirakoobka beelo badan oo

Jidkii Qodxaha Badnaa!

Burburkii Somalia kadib, 1991-kii ayaa shir dib u heshiisiin loogu qabtay magaalada Addis-ababa, kasoo qayb galayaasha shirka oo dhamaa 75 xubnood waxaa lagu saleeyay goboladii iyo degmooyinkii burburka qaybta ka ahaa, Shirkii ujeedadiisu ahayd inuu reer Somalia isku soo dhaweeyo, waa uu sii kala fogeeyay, dareena galiyay Somalidii awalba kala shakisanayd, kadib markii kala badh ku dhaw ama 45% ergooyinkii shirka iyo golihii TNC ee lasoo dhisay ay noqdeen Beesha DAAROOD.
Dhisidii degmooyinka iyo gobolada muxubada qabiil ku dhisan marka hor

Kala mudnaan-siinta halganadii!

Angus Hamilton buugiisa THE BRITISH SOMALILAND waxa uu ku faahfaahiyay in Sayid M.C Xasan iyo kooxdisii Daraawiish mudadii dagaalka ku jireen ay goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dulmadoobe, Shimbiris,Fardhidin, Jidbaale, Taleex iyo meelo kaleba kaga dileen Ingiriiska 21 qof oo ku jiray Taliye Richard Corfield, kana dhawaaceen 21 qof, Dagaaladasi dadka cadaanka ah ee lagu dilay iyo kuwa ku dhaawacmay dhinaca Ingiriisku waxa iskugu jireen Kornaylo, kabtano,Alifleyaal, xidigleyaal iyo kuwo kale.
Abdikadir Oromo buugiisa TIIRKA COLAADA waxa u ku faahfaahiyay in dhanka Somalia halgankii

Ceeb maaha in lagaa guulaysto , waxaase ceeb ah halkii lagaaga guulaystay inaad ka kici waydo, ka baroorato, ku rafato, ama ku gama’daba!


01-May-2019 Kooxda LIVERPOOL 3 gool ayaa lagaga guulaystay, guuldaradooda kuma riixin garsoorkii ciyaarta, garoonkii kuma dhex rafan, ciyaaraha oo dhan ma hiifin, kulan ciyaareedka danbe ma ay diidin, taageerayashoodii calan kale ma calman. Guuldarada way aqbaleen, waxay u diyaar garoobeen Kulan danbe, Dabaqida casharkii ay ka barteen kulankii laga badiyay, dhaliilahoodii oo ay gufeeyeen, dar-dar qorshe ciyaareed, mintidnimo ay muujiyeen iyo u heelanaanta, u hamuun qabida hiigsigooda guusha ee sareeyay ayaa u

Mucaaradkii Abdilmajid Xussein iyo Mucaaradka Ahmed Shide.

AHUN, Cabdil-majid Xuseen waxa uu ahaa Gudoomiyihii iyo asaasihii xisbigii leegada Ethiopian Somali Democratic League (ESDL) kuna midaysnaayeen CIISE, ISAAQ, GADABUURSI, GURGURE,AKISHO, JAARSO Iyo beelo kale. Asaasida xisbigaasi waxa ay dheelitirtay siyaasadii deegaanka Soomaalida Ethiopia, Xisbigaasi waxa uu kor usoo qaaday cududii, saamaynti siyaasadeed ee beelaha aan DAAROOD ahayn, kadib markii uu ku guulaystay doorashadii 1995-kii isagoo cod aqlabiyad ah ku hantiyay 55% xildhibaanada

Hadii UCID iyo KULIYE doorashada galaan maxaa laga yeelayaa taageerayaasha WADANI ? Doorashadu maka dhici doontaa meelaha WADANI laga taageersan yahay? Deegaanadaasi siday xubno ugu yeelan doonaan golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka? Ma IS-XAMBAAR mise.......?

Doorashada baarlamaanku waxay ahayd muhiimada koowaad (First priority) ee u taalay Xukuumadii Siilaanyo maadaama mudo xileedkoodu dhamaaday 2010, wayse ku fashilantay xukuumadaasi mudadii todobada sano ahayd ee ay joogtay, xukuumda Siilaanyo waxay noqotay xukumadii ugu liidatay qabsoomida doorashooyinka.wakhtiga dheeraadka ee baarlamaanku fadhiyeen waa intii Siilaanyo dalka xukumayay, marka laga reebo hal sano oo ay Xisbiga WADANI hortaagnaayeen inay doorasho dhacdo.
Xukuumada Muuse waxay u muuqata

Qoraa Guri Barwaaqo maxaa la gudboon si uu u difaaco Buugiisa SOOYAAL?

Bishii sagaalaad 2012 ayuu soo baxay buuga SOOYAAL,Ina Cabdale Xasan ma sheekh buu ahaa mise ......? wakhtigaas usoo baxay waxaan ka mid ahaa dhawr qof oo gorfeeyay una arkayay dhigane taariikheed horeba loogu baahnaa, walina waxaan aaminsanahay inuu yahay dhigane taariikh mug weyn xambaarsan oo dheeli tiray taariikhdii halka dhinac ahayd.
Beesha Daarood qoraayo u dhashay ayaa

Hadalka ama qoraalka maskaxda soo mari!

Mid Habarjeclo oo saluugsan shanta wasiir ee xukuumada ku matala reerkooda ayaan waydiiyay , nooca saamiga ay ku qanci lahaayeen beel ahaan? Kute, Habar-magaado iyo Habar Xabuusho oo siman, waa in Isaaq wax ku qaybsadaa!
Hadii aan isla su'aashaa waydiiyo kuwo kasoo jeeda reeraha kale ee Somaliland , shaki igagama jiro jawaabahadooda Tusaale ka Gadabuursi waxa uu cadaalad u arkaa in Saamiga Isaaq mid leeg u helo, Ka Harti isna waxa uucadaalad u arkaa in Isaaq iyo Harti saami isleeg qaataan, Ka garxajis waxa uu cadaalad u arkaa reeraha

Dhexdhexaadintii Uganda iyo Tanzania, Musharaxanimadii xoghayaha OAU, Hogaamintii Qaramada midoobay,Ku biiristii Arab league, Xornimadii Djibouti iyo Xilalkii u usoo qabtay Cumar Carte

Shirka Ururuka Midawga Afrika (OAU) ee lagu qabtay Mugadisho June,1974, waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxweynayaasha Afrika, Shirka waxaa loogu tartamayay Xogyaha Guud ee Ururuka Afrika, Jagada waxaa isku soo taagay wasiirada Arimaha dibada 1)Mr. Cumar Carte Qalib,Somalia 2) Mr.William Eteki,Cameroon , 3) Mr. Rupiah Banda, Zambia.
Ololaha musharaxiinta waxaa kala

Reer Gabiley ma iyagaa gar darán, oo doonaya gobolnimo aanay u qalmin, mise iyagaa gar leh oo waxa la duudsiyayy xuquuqdoodii?

''Xildhibaanada guurtida iyo baarlamaanka ee Gobolada bariga Somaliland waxa kali ah oo ay ka midaysan yihiin inaan deegaanka Gabiley gobolnimo loo ansixin, lurka ay nagu haysaana waa in Beesha Habar-Awal heli doonto xildhibaano kuwayaga ka badan, Sadex gobol oo xajmi dhaqaaleh iyo dadba lehna ay ugu bataan (Majority)'' Sidaas waxaa yidhi nin oday ah oo aanu doodnay mudo ka hor.
12/07//2007 waxa uu madaxweyne D.Riyaale dhaqan galiyay xeer

CADAALAD DOONAW, CADAALAD DIID HA NOQON!

Ka waran mid reer Hargeisa ahi hadii uu yidhaa shaqaalaha dawlada gobolada Togdheer,Awdal, Sool, Sanaag, Sahil waa inaan ku yeelano saami ka badan ka bulshada deegaanka ? Ka waran hadii uu sidaas cadaalad u arko? Ka waran cadaalada aad doonaysaa hadii ay cid dulminayso? waxaa la mid ah tabashada iyo saami doonka reeraha Somaliland. Tabashada reeraha Somaliland kama duulayaso Xilalka sare ee qaranka, oo si wanagsan ayay u qaybsan yihiin, waxaase loo ham iyo dig leeyahay in shaqaalaha qaranka reer Hargeisa laga qadiyo, kuwa goboladana aan loogu tagin. Ka waran

SOMALILAND LA WADA LEEYAHAY!

Reerka GARXAJIS waxay maamulaan afar wasaaradood oo ay ku jiraan Wasaaradaha maaliyada iyo caafimaadka oo ah labada wasaaradood ee ugu mac wasaaradaha qaranka, waxaa u raaca Gudoomiyihii Baanka oo ah halka lacagta qaranku taalo, waxay leeyihiin 3 wasir ku xigeen, waxay leeyihiin 8 Agaasime. waxay leeyihiin Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka oo ah 22 xildhibaan oo aanay reeraha kale haysan iyo Xildhibaano gole deegaan oo ah 57 xildhibaan. Waxaa kale oo ay xildhibaanada badan ku darsadeen inay

maan guracan iyo garasho jaan!

Oct-2004 waxaa afti kala doorasho laga qaaday 12 Degmo oo Somali iyo Oromo ku wada noolaayeen, Somalidii degmooyinkaasi ku noolaa waxay doorashadoodu u badnayd inay ku biiraan Maamulka Oromada, Cadaalad daro ay ka tirsanayeen maamulka Somalilada darteed, ku biiristii kililka oromada kadib waxay qaateen Jinsiyad iyo abtirsimo Oromo, haatana ma jecla dhagahoodu maqalka Somalinimo!
Jidkaas waxaa haya degmooyin badan oo Somalida Ethiopia ah, waxaa ugu danbeeyay degmooyinka

Ayax tag eelna reeb!


Siyaad Bare tag, Ilaahay baanay xisaabtiisu hor taal, wuxuse Somalia uga tagay miinooyin aasan oo eelkeedii Soomaali kala irdheeyay, mar kastana dib u qarxa, waxaa ka mid ah Miinooyinkaasi sidii uu reerkiisa ugu taxay Gobolo iyo Degmooyin badan oo aan ku dhisnayn cadaalad, waa mida keentay

Shirka Gacan-libaax ma mid guud ahaan Garxajis meel kastoo uu dago ahbaa, Mise ...?


Shirkaasi hadii uu yahay mid guud ahaan deegaanada beesha oo dhan looga arinsanayo, waxaan kula talin laha in ay muhiimada labaad ka dhigtaan arimaha Somaliland, Beeshu Somaliland dhibaato u gaar ah kuma qabto, waa beel miisaan ku leh, Kuna lahayd intii Somaliland jirtayba, Dawlada Somaliland oo curdin ah dhaqaalaheeduna kooban yahay, waa mid furfuran una dhago nugul dhamaan shacabkeeda, balse waxaan ku baraarujin lahaa

Somaliland yaa ka xoreeyay Ingiriis? Yaa keenay 26 June? Taariikh la qariyay!


Ingiriisku waxa uu dhulka Somaliland soo degay 1884-kii dano uu ka lahaa darteed, waxaanu kusoo dagay heshiis ay ku jireen Shuruudo adag, oo uu la galay Odayaasha Shan beeloood oo u badnaa kuwii xeebaha deganaa. Mudo kadib waxaa curtay Halgankii hubaysnaa ee Daraawiishta oo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan hogaaminayay dagaalna kala hor yimid Ingiriis, waxaase la jabiyay 1920-kii. Ingiriis dalka waxa

Aragtidayda baadhista BAADI-GOOB ee doorashadii 2017, waxaan kusoo koobayaa todoba qodob;


1. Dhacdooyinka la xidhiidha kaadhadh codbixin oo cid aan lahayn ama aan ku haboonayn ku codaysay (Qaar dhintay, Qaar dhoofay, Caruur aan qaangaadhin IWM), Muraaqibiin la handaday, Shaqaale la handaday, Shaqaale komishanka badhkood oon la tobabarin, Arimahasi

Dal bilaa bad ahi (Landlocked) ma yeelan karaa Ciidanka badda (Navy)? Ciidanka Badda Ethiopia halkee saldhigiisu noqon doonaa?


Mudooyinkii danbe waxaa soo noqnonayay in dalka Ethiopia qorshaynayo siduu u abuuri lahaa Ciidan Badda (Navy), waxaa ugu danbeeyay Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr. Aby Ahmed oo 01,June,2018 sheegay inay mustaqbalka qorshaha ugu jirto abuurida Ciidan Baddeed quwad leh. Hadalka Raysal wasaaraha waxaa

Col hortii Jabay!


''Somaliland ayaa shir degdeg ah iskugu yeedhay, golaha wasiirada markii ay ciidanka Puntland weerarka lama filaanka ah kusoo qaadeen laascaanood, Waxaan xasuustaa wasiirrada qaarkood sakati ayaa ka muuqday. Maxamed Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirka Ganacsiga ayaa ku qayliyey “Wallaahi Afguduud wuxuu inoo dhaafayaa ilaa lowyocaddo. Taas ayaan aad uga baqayaa”. Cadho ayaan is hayn kari waayay. Aniga oo u jawaabaya Maxamed Xaashi ayaan idhi

Is-barbardhig: Somaliland iyo maamulka Puntland midkee magaalada Laascaanood .........?



Maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa gacanta ku hayay magaalada Laascaanood iyagoo ku gabanayay reernimo, wakhtiga uu maamulkaasi ka hawl galayay, wax horumar ah kama uu hir galin magaalada iyo deegaanka ku xeeran, cashuurta laga qaado shacabka waxaa loo rari jiray Garowe, magaaladu waxay lahayd muuqaal tuulo aanay jirin

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii M.X.I Cigaal AHUN. Q7AAD

 .
Somaliland oo buuxisay shuruudihii dawlanidnimo, caalamku kama garaabin inay aqoonsadan, AHUN M.X.I Cigaal waxa uu fariin garnaqsi ah u diray Qaramada midoobay, isagoo kaga hadlay sida ay beesha caalamku uga gaabisay, ee aanay uga garaabin qaranimada Somaliland, Fariintaas oo dheerayd waxaa ku jiray hadalkan xikmada badan ku duugan tahay

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii M.X.I Cigaal AHUN. Q6AAD.

AHUN M.X.I Cigaal ma jeclayn in kalitalisnimo loo nisbeeyo, loona guul wadeeyo, mar uu 18 May 2001kii fagaaraha khayriyada Hargeisa ka khudbaynayay ayay shacabku sacabiyeen, sacabkaasi ma uu jeclaysan waxanu yidhi “Walaalayaal sacabka waxaan ka jecelahay in la I dhagaysto, oo la fahmo waxaan leeyahay, ma nihin dadkii afweyne Durbaanada u tumi jiray ma hayno habkiisii, waxaynu haynaa hab la isku af garto, oo la is fahmo la is wacdiyo, kaasa maanta qiimo leh, nin madax ah oo sacad loo tumaa, qiimo uu leeyahay ma jirto’’
Prof. Maxamed Sicid Gees ayaa ka markhaati kacay in M.X.I Cigaal aanu ahayn

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii M.X.I Cigaal AHUN. Q5AAD.



Cigaal oo ahaa Xoghayihii xisbigii SNL waxaa u suurto gashay uu gacantiisa ku saxeexay in maxmiyadii Somaliland xornimadeeda ka qaadato ingiriiska,  Bil ka hor xornimada isagoo  safar ku joga Magaalda London ayuu ka hadlay jidhka dheer ee sugaya  shacabkii mudada u dhaag taagayay xornimada , waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta wado dheer oo aynu soo marnay ayaynu joognaa Madaxeedii,hase ahaatee mid tii ka dheer kana adag ayaynu manta galaynaa,Dawladnimo loo qaylinayaa ama dawladnimaanu doonaynaa baa la yidhaahda, wey suuro gashaa, oo manta inaguba weynu uso qaylinay helnay dawladnimadiina,  hase ahaatee

Weysha gawrac dibigu ha ku quustee!


23/07/1972 Goor barqo ah, goob barxad ah oo dad badan usoo daawasho tageen ayaa lagu toogtay, Jeneral Mohamed Caynaanshe Guuleed (ISAAQ), Jeneral Salaad Gabayre Kadiye (HAWIYE) iyo Kornayl Cabdulqadir Dheel (DAAROOD). Saraakiishan oo ka mid ahaa golihii sare ee kacaanka waxaa looga shakiyay inay mar kale abaabulayeen Inqilaab ay Siyaad Bare kaga tuuraan Xilka madaxweynenimo, iyagoo marka horena

Dastuurka Somaliland muxuu ka yidhi Khiyaamo qaran? Waxa la gudboon Muuse iyo Siilaanyo iyo Hal aan idhi Ciro.

Qodobka 1aad ee Dastuurka Somaliland waxa u adkaynayaa madaxbanaanida Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland,halka Qodobka 96aad farqradiisa B iyo T ay cadaan u sheegayaan in Madaxweynuhu Xilka ku waayi karo Khiyaamo Qaran (High Treason) ama ku xad gudub Dastuurka JSL.Sanadkii 2001 ayaa AHUN Madaxweyne Cigaal golaha wakiiladu kusoo eedeeyeen inuu shaki galiyay

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q4AAD

AHUN Cigaal waxa uu ahaa shaqsi karti badan leh,  waxa uu awood u lahaa inuu maskax iyo aqoon ku muquuniyo siyaasiyiinta  kasoo horjeeda,  hadana waxa uu ogolaa kala duwanaanta fikirka, waxaanu tix galin jiray fikradaha kasoo horjeeda ee ay ku jirto danta dalku. Prof. Maxamed Sicid Gees oo ka hadlay sidii Cigaal u tix galin jiray kala duwnaata fikirka ayaa yidhi  “ Ilaahay raali haka noqdee Marxuumku wuxu jeclaa in la wada casheeyo, ee aan cid gaar ahi kaligeed cashayn”

Madaxweyne A.M.M Siilaanyo oo in badan ay soo wada shaqeeyeen oo isna  sifaynayay kal furnaantii, niyad wanaagii iyo sidii uu Cigaal danta dalka wax walba uga hormarin  jiray ayaa yidhi

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q3AAD

Wariye ka  tirsanaa jariidad la yidhaa News staff  ayaa 17 July 1994 khadka telefoonka ku waraystay M.X.I Cigaal. Su’aal uu wariyuhu waydiiyay ayaa waxay u dhignayd sidan; "Dadka qaar waxay sheegaan in diblomaasiyadaada iyo sidaad u maamulayso arrimaha gudaha wadanka ay saamayn ku leedahay sannadihii aad jeelka ku jirtey?

Cigaal: "12-kii sannadood ee cidlada iyo xabiska ahaa waxay ii bedeleen si aad u wayn. Waxaan ahay nin aad u degen. Waxaan ahayn nin aad u fekera. Ma fal celiyo ilaa aan ka fekero waxa ka dhalanaya waxaan ku jawaabayo. Waxaan nafta siiyaa wakhti. Waxaan ahay nin si wayn u bislaaday oo isu bedeley. Waan ogahay taas. Laakiin waxaan filayaa inaan weligay ahaa nin haldoora. Waxaan ahay dadka u qushuuca Gandhi iyo

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q2AAD.


Aftahanimada oo ka mid ah sifooyinka hogaaminta ahun M.X.I Cigaal hibo ayuu u lahaa, hadaladiisu waxay ku salaysnaayeen xeeldheeri reeba dareen,  khudbadihiisu way gilgilayeen cidii dhagaysanaysa, wuxu si waafi ah u taaban jiray waaqica ama tagtada uu ka hadlayo isagoo abaaraya barta ugu haboon ee qof kastaa fahmi karo, Marwo kaltuun oo xaasaskiisi ka mid ahayd oo sifaynaysa hadal cad-cadaantiisii iyo run sheegnimadiisii  ayaa tidhi

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q1AAD



Tusmuu uunku kala leeyahee teenanaa simane
Dad kale ninkiisii wax tara waa tix galiyaaye
 Idinkuna caqliga taabudka ah waa ku tumatane.   
AHUN Xaaji Aadan (Af-qalooc).

Tusaale iyo ku dayasho waxaa ugu mudan Nabigeenii Suubana Maxamed CSW iyo Asxaabtii RC, waxaa soo raaca hogaamiye kasta ama qof kasta oo horseeda wanaag,kuna haboon in lagu daydo.  AHUN Cigaal waxaan aaminsanahay inuu

Garnaqsi Gobolnimodoonka Gabiley gar mise gardaro? Q2AAD

Ku: Madaxweynaha/ Baarlamaanka JSL

Ujeedo : Garnaqsi Gobolnimo-doonka  Gabiley gar mise gardaro?Q2AAD

 Dastuurka Somaliland Shuruudaha Gobolnimo. Gabiley ma buuxisay shuruudahaas?

12/07//2007 waxa uu madaxweyne Riyaale dhaqan galiyay xeer lan 23/2007 Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland isagoo tixraacaya ansixintii baarlamaanka xeerkan oo ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen 44 mudane,

Garnaqsi Gobolnimodoonka Gabiley gar mise gardaro? Q1AAD.

Warbixin kooban Deegaanka Gabiley

Mudane Madaxweyne, Golayaasha Sharci dajinta,

 Deegaanka gabiley  waa degmo darajadeedu tahay (A) marka loo eego nidaamka qiimaynta degmooyinka Somliland, Gabiley waa degmada kali ah ee  la darajo ah  caasimadaha  lixda gobol ee rasmiga,  waxaad ka war qabtaan dhaqaale ahaan in deegaanku yahay  goobaha ilaha dhaqaalaha Somaliland, dhul ahaan baaxada deegaanka waxaa lagu qiyaasaa  4,300 km2 ,

Somalia miyaanay jirin Birimagaydo?

Waxaa jiri jiray imikadana ka jira meelo badan oo dhulka Somalida ah  Dad birimaygaydo ah oo aan loo quudhin dil iyo dhibaataynba, kooxaha loo aqoonsan yahay birmagaydada waxaa ka mid ah  waayeelka, Culimada, Dumarka,  iyo caruurta dhaqanka Somalidana kuma jirin in la beegsado ama la ugaadhsado ee waa la xurmayn jiray. Xataa

Dawlada Djibouti ma sheegato Awdal Maxaa sobobay in Maamulka Puntland Sheegto Sool Iyo Sanaag?


Qaarada Afrika xuduudaheedu waa qaar ku dhisan mustacmarkii iyo Gumaysigii, waxaanu gumaystihii Qaybo u kala jaray  Beelo isku hayb ah, Isku diin ah, isku Af ah. waxaan  muran ku jirin  inuu somalida u kala jaray shan qaybood Qayb Ethiopia Raacsan,Qayb Kenya Raacsan, Jabuti, Somaliland, Somalia, Hadaba

Dhacdadii Isaga iyo ADEEGA ZAAD.


Mooge faras magaalaha ayuu ku haystaa  meherad yar oo isku badalka lacagaha ah (Sarifle) halkaasi oo uu quutal daruuriga uga raadiyo qoyskiisa, sidii

Dhacdadii Aniga iyo ADEEGA ZAAD.

Si aan QAWDHAN lacagtii ugu diro ayaan furay Adeega ZAAD  waxaan galiyay Lanbarkii sirta ee ii gaarka ahaa,waxaanan maray dhamaan jaranjarooyinkii hore ee loo baahnaa si aan lacagta u diro.
 Adeega ZAAD waxa uu I  waydiiyay

AL-SHABAAB iyo DARAAWIISHTII Midkee ..........?


 Ma laga yaabaa in Alshabaab labaatan sano kadib  taariikhda Somalida baal dahab ah lagaga qoro sidii  Daraawiishba taalooyinka loogu sameeyay? Jawaabtu akhristaha ayay u taal. Si kooban hadii aan uga hadlo Alshabaab waa koox islaami ah, waxanay dagaalo joogto ah la galaan

Gorfayn: Buuga DHAXALKII GOBONIMADA.


Waxaan booqday qaar ka mid ah shabakadaha Somaliland si aan wax uga ogaado dhacdooyinkii caalamka iyo Somalidaba, waxay ishaydu halacsatay buug lagusoo bandhigay Hargeisa gaar ahaan Hotel Emperial,

Qurbajooga iyo Qolqoljooga somaliland waa inay sameyaan Banaanbax ay Beesha Caalamka kaga Codsanayaan Ictiraaf.


Dawlada somaliland wakhtigii ay madax banaani ku dhawaaqday waxa kasoo wareegay 20 sano mudada intaas leeg beesha caalamku waa ay ka dhago adaygeen in ay aqoonsi caalami ah siiyaan Dawlada somaliland ee buuxisay shuruudihii Dawladnimo sida Ciidan Qaran, Xuduudo sugan, Doorashooyin xor iyo

Gorfayn: Buuga SOOYAAL, Ina Cabdalla Xasan Ma Sheekh Buu Ahaa Mise …. ?



Bishii sagaalaad ee sanadkii galbaday 2012 waxa ifka usoo baxay Buuga SOOYAAL oo lagu daabacay magaalada Hargeisa. muuqaalka iyo tayaynta qaab ahaaneed ee buugani waa mid wakhti badan iyo dadaal dheeraad ah loo huray, waxaa lagu dahaadhay Jaldi leh midab qurxoon una eeg midabka

Prof A.I. Samatar waxa uu 2013 ogaaday in midnimadii Somaliyeed lagu hungoobay, halka badi shacabka Somaliland ogaadeen laga soo bilaabo 1961?


Mudo hal sano ah markii ay kasoo wareegtay is-raacii Koonfur iyo Waqooyi ayaa shacabkii Gobolada Waqooyi (SOMALIALND) ka muujiyeen niyad jab isla markaana waxa ay saraakiishii ciidankii Somaliland ee Ingiriisku ka tagey oo uu hogaaminayay

Dacwadii Aniga iyo Labada Eedaysane maxay ku dhamaatay?


Goorsheegtu waxay ku sinayd tobankii subaxnimo, waxaan dhex fadhiyay xafiiskayga gaarkaa anigoo gudanaya shaqo maalmeedka ii yaalay, waxaa si kadis ah u  soo galaya dirawalkii gaadhiga xafiiska oo cod dheer ku qaylinaya  “Soo kac gaadhigii ayaa la jabsaday, soo dhaqso gaadhigeenii waa la jabsadee”  isla markiiba 

Wuxu yidhi “Jilib MAJEERTEEN ah ayaa ka badan ISAAQ”

Waxay ahayd abaaro shantii galabnimo waxaanu fadhinay faras magaalaha Hargeisa, waxan wada fadhinay nin reer Somaliland ah gaar ahaan kaso jeeda beesha Gobolka Sool, nin oday ah oo kale ayaa nagu sadexnaa, Iswaydaarsi Salaan kadib waxaan iska waraysanay  xaalada Somalia iyo isbedelka siyaasadeed ee

Isku Dad Ma Nihin!



Nolosha Aduunka ayaa ah mid meerto ah Maalin walbaana maalin ayay kuu gudbinaysaa, Hadii aad u fiirsato Basharka iyo Aduunka waxaad ku arkaysaa wax kaa yaabiya iyo wax kaa farxiya, Barashada dad cusub mar walba waxay kugu soo kordhisaa   Farxad iyo kalgacal ama khasaare, Naxdin iyo Walbahaar sidoo kale waxaad ka barataa waayo kaa qarsoonaa!
Habeen habeenada ka mid  ayaanu ku